Halkaan ka akhri
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali oo kula hadlayey  magaalada Nairobi ee dalka Kenya warbaahinta BBC-da qaybta Af-Soomaaliga  ayaa wuxuu sheegay in Dowladda KMG ah Soomaaliya ay wadahadallo la galeyyso Ururka Xarakada Al-shabaab, wuxuuna  shuruud uga dhigay inay hubka dhigaan.
Sidoo kale Dr C/weli Gaas oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalaya shir looga hadlayo abaaraha ku dhuftay dalalka bariga Afrika ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay wadahadallo la furaan Al-shabaab, wuxuu sheegay in dowlad ahaan ay qoorsahaha ugu jirto sidii ay dalka oo dhan nabad ugu soo dabbaali lahaayeen.
Dr. C/weli Gaas oo hadalkiis sii wato wuxuu yiri: “Waxaa jira calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayaan inay billaabaan wadahadal ay la furaan dowladda KMG ah, innaguna waxaan rajeynaynaa inaan la hadalno.”
Dhanka kale Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay dhowr jeer oo hore kula taliyeen Xarakada Al-shabaab oo inta badan ka talisa Soomaaliya inay soo fariistaan miiska wadahadalka si looga gudbo dhibaatada jirta, hase yeeshee uu xusay in dhankooda ay ka dabacday, daacad ka tahay arrintan.
Ra’iisul wasaare Dr C/weli Maxamed ayaa carrabkiisu ku xoojiyey arrintan wuxuuna yiri: “Haddii ay hubka dhigaan oo ay doortaan nabadda iyo inay kusoo biiraan dowladda waan soo dhaweynaynaa,” balse waxaa  weli jirin wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo inta badan Muqdisho ka baxday bishii hore, inkastoo dhowr jeer oo hore ay ka diideen inay wadahadal la galaan dowladda KMG ah.
Si kasta ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in dowladda ay dalbatay ciidamo dheeraad ah si  loogu xoojiyo AMISOM, si ay u suurto gasho in goobaha Al-shabaab ka taliso loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadamnimo.
SomaliSwiss    Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.