Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray Saakay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Kenya Dr. Raila Odinga ay ku Kulmeen magaalada Nairobi, wuxuuna kulankaas oo saacado qaatay uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kenya, waxeyna labada Ra’iisul Wasaare ka  wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xirirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee labada dal, arrimaha amniga iyo horumarka laga sameeyey ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo arrimo kale.
Dr. Â Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo gaaray magaalada Nairobi dorraat ayaa ujeedada socdaalkiisa ahayd inuu ka qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha abaaraha ee waddamada Geeska Afrika, Kulankan oo ay marti gelisay dowladda Kenya ayaa looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira dalalka Geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhigiisa dalka Kenya gaar ahaan shirka muhiimka u ah Soomaalida oo ay dowladda Kenya iska xilsaartay oo ay waliba ku casuuntay dhammaan dalalka Geeska Afrika, Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Raila Odinga ayaa isna u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Dr. Abdiweli Mohamed Ali, kuna ammaanay sida uu wax uga qabtay arrimaha amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, isku xirka Dowladda dhexe iyo maamulada dalka Soomaaliya ka jira iyo gaar ahaan sidii shirkii wadatashiga ee Soomaalida ay u maareysay dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Dr. Raila Odinga ayaa ballanqaaday in Dowladiisu ay marwalba garab taagantahay dowladda Soomaaliya kalana shaqeyn doonto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, abaaraha iyo sidii dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa mid nabad ah.
Balse Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada Ra’iisul Wasaare tan iyo intii Abdiweli Mohamed Ali uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wallow ay labada mas’uul horey u kulmeen 7dii April oo uu markaas Abdiweli ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahaana Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Hase yeeshee w axaa muuqata in Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleysatay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ka saaridii Al-Shabaab laga saaray caasimadda, gar-gaarka bani’aadanimo oo ay weliba madaxda Adduunka soo booqanayeen Muqdisho, arrimaha isku xirka Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ka dib markii uu Ra’iisul Wasaare Abdiweli booqasho ku tegey Puntland iyo Galmudug iyo ugu danbeyntii shirkii Wadatashiga oo si heer sare ah loogu qabtay caasimadda dalka, kuna dhammaaday si qurux badan, shirkan oo ahaa kii ugu horreeyey oo weliba maalmo kooban ay Soomaali maamusho, iskuna raacaan dariiqadii la mari lahaa (Roadmap) 12ka bilood ee soo socda.
SomaliSwiss    Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.