Garab ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG ah oo ay u socdaan wada hadallo hoose.

undefinedHalkaan ka akhri

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa sheegay iney dhowaan la furi doonto wada hadalo hoose garab ka mid ah Horjoogayaasha Shababka, kuwaasoo uu hadda socdo wada hadal bilow ah.

Ra’isal wasaaraha dawlada KMG ah ee dalka Soomaaliya Md Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulan looga hadlayo xaalada abaaraha Soomaaliya oo ka socda dalka Kenya ayaa maanta ka hadlay wadahadalo ay dhici karaan in ay dhexmaraan Shabaabka iyo dawlada, wuxuuna sheegay iney shuruud ku xiryaan iney marka hore hubka dhigaan, isla markaasna joojiyaan dagaalada ay wadaan.

Ra’isul Wasaare Cabdiweli maxamed Gaas ayaa sheegay in garab ka mid ah Shabaabku ay dhici karto in ay wadahadal u furaan dhawaan, iyadoo warar hoose oo soo baxaaya ay sheegayaan in qaar ka mid ah garadbyada kooxda Shababka ay muujiyaan iney diyaar u yihiin iney wada hadalo la furaan Dowlada KMG ah, lamana yaqaano sababta xiligaan ku qasabtay Garabkaani.

Ra’isul wasaare Gaas ayaa mar uu saxaafada maanta kula hadlayay Nairobi waxa uu sheegay in dawladiisu marwalba diyaar u tahay in ay la hadlaan cid walba oo dooneysa in ay nabada qaadato oo ay ku soo biirto, Hadalka Ra’isul wasaraha ayaa yimi xili kooxda Shabaabka laga saaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo Kooxdani ay u kala baxeen dhowr garab oo hubeysan kuwaasoo khilaafyo u dhaxeeya ay sababeen iney dagaaladii ay wadeen magaalada Muqdisho qaarkood ay dhufeysyadii ka baxeen.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: