HOOS KA DAAWO SAWIRADA
 Halkaan ka akhri
Farshaxanka caanka ah ee Soomaaliyeed Amiin Caamir ayaa habeenimadii xalay ahayd tegay Caasimadda dalka Norway ee Oslo, sidoo kale waxaa la filayo in maanta galinka dambe uu isna soo gaaro magaalada Oslo ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
Amiin Caamir  ayaa Ujeedka safarkiisa ah casumaad uu ka helay Maamulka Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Norway, wuxuuna Farshanxanistaha ka qayb gelayaa  shirweyne loogu magac daray Somali Hope Confrence oo ka dhici doona magaalada Oslo maalinta sabtida ah kaas oo ay ka soo qeyb galayaan dad ay ka mid yihiin r/wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo fanaanada caanka ah Saado Cali Warsame.
Qaar ka mid saxaafadda Soomaalida oo Mr. Amiin wax ka weydiisay safarkiisa iyo aragtidiisa Norway, wuxuuu u sheegay in uu ku faraxsan yahay imaantinka Oslo wuxuuna intaa raaciyay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu u soo safro dalka Norway.
Mudane Caamir wuxuu sheegay in Shirkan uu noqon doono mid uu si fiican ugu baran doono Soomaalida Norway, uuna ku faraxsan yahay la kulankooda.
Sidoo kale waxaa Shirka Somali Hope Confrence lagu casamay Dhamaan Shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norwayd iyo Waddamadda deriska la ah waxaa loo sheegay  inuu ka dhici doona Magaaladda Oslo.
Shirkaan oo ah mid lagu baraarujinayo Dhamaan Shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan dunidda isla markaana ay ka soo qayb gali doonaan dad badan oo bulshada Soomaaliyeed ay u arkaan, kuna Caan baxay ah inay ka mid yihiin wadaniyiinta Soomaliyeed ee fara ku tiriska ah, waxaana dadkaas ka mid ah Ra’isal-wasaarihii hore ee Xilka Iska Casilay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Farshaxanka wayn ee Amiin Caamir, Hoboladda Qaayladhaan, fanaanada caanka ah Saado Cali Warsame, Siyaasiyiin iyo wax garad kale.
Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah isla markaana laga qaban qaabiyo wadanka norway iyo guud ahaan qaaradda yurub ayaa waxaa si hagar la aan ah dhabarka ugu ritay marti galintiisa Ururka Daryeel Relief and development organisation, wuxuuna dhici doonaa berrito oo Sabtida ah Taariikhduna tahay 10 bisha September.
SomaliSwiss    Oslo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.