Dadkii Ceelsha Biyaha deganaa oo habeenkii ka qaxaya iyo Al-Shabaab oo Bandoow kusoo rogay.

undefinedHalkaan ka akhri

Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa cabsi xoog leh soo wajahday ka dib Bandow aan la ogeyn sababta keentay oo ay Shabaab kusoo rogeen Deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaana Gawaari Codbaahiyaal ay ku xireen waxa ay Maanta dadka Kunool Ceelasha Biyaha ugu sheegayeen in Deegaanka Ceelasha Biyaha lagu soo rogay Bandaw waxii ka bilowda 9-Fiidnimo ilaa Salaada Subax, cidii Jabisana bandowgaasi la ciqaabi doono.

Al-Shabaab ayaan sheegin sababta ka danbeysa in ay ku soo rogaan Ceelasha Biyaha Bandowgan hirgalaya Caawa iyadoona dadka kunool Ceelasha Biyaha ay cabasho xoogan ka keeneen bandowgaasi Al-Shabaab kusoo rogeen .

Dadka Kunool Ceelasha Biyaha ayaa ku macneeyay Bandowgaan in uu ka danbeeyo kadib markii ay soo baateen malmahan dadka ku nool CeelashaBiyaha oo si hoose habeenkii uga guuraya halkaasi iyaga oo aan dib ugu soo laabanayn xaafadahoodii oo hada nabdoon ka dib markii ay Shabaab ka baxeen.

Al-Shabaab ayaana horey uga digay Ganacsatada iyo dadka ku nool Deegaanada ay kataliyaan in ay u guuraan Xaafadaha ku yaala goobaha ay Maamusho Dowlada KMG ee Soomaaliya cidii lagu qabtaana tilaabo laga qaadi doono.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: