Amanda Lindhout oo booqashadeedii Muqdisho ay ka dhuunteen Masuuliyiinta Dowladda iyo madaxda qaybaha bulshada rayidka.

undefinedHalkaan ka akhri

AMANDA, Marka Hore sorry, Marka xigana thanks.Amanda Lindhout oo dhowaan ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa kala kulantay arrin ceeb iyo yax yax ku noqonaysa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah. Amanda cidii aan aqoon u laheyn waa saxafiyaddii reer Canada ee sanado ka hor lagu afduubay laguna silciyey Soomaliya, bishii agoosto 2008 ayey tagtay Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay doonaysay inay ka duubto dhibaatadii abaareed ee jirtay si ay dunida uga warranto xaaladda dhibaato ee halkaas ka jirtay oo ay magaalada haysteen ciidamadii Itoobiya ee ugeystay shacabka Soomaaliyeed dhibaatada.

Bishii November 2009 ayey ka dhooftay isla garoonka diyaaraha ee Muqdisha, kadib 16 bilood oo ay gacanta ugu jirtay naxariis-laaweyaal kula kacay falkasta oo foolxumo ku ah dadnimada, diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sida jirdil, gaajeysiin, handadaad joogto ah, indhaha oo laga duubay iyo qol aan iftiin laheyn oo muddo dheer lagu hayey iyo in kale oo aan la sheegi karin.

Amanda Lindhout iyo Kaamiriistihii Australia ee la shaqaynayay waxaa la sii daayey ka dib markii qoysaskoodu xaraasheen wax alla wixii ay heysteen oo xitaa la sheegay in ay dharkoodii iibiyeen iyo weliba qaaraan ay saaxiibadood soo uruiyeen.

Waxaas oo dhibaato ahiAmanda Lindhout kuma ay beerin cuqdad iyo karaahiyo ay uqaaday Shacabka  Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay ka dhasheen kuwii sidaas liidata ee banii adamnimada ka baxsan ula dhaqmay, marna kuma ay fekerin arrgoosi, mana ay jecleysan in dumarkii dhalay ama la dhashay ay xanuunkeedii oo kale maraan.

Taas bedelkeeda waxaa ay Lindhout muujisay qiimaha ay siineyso dadnimada, karaamada banii’aadam nimadu leedahay iyadoo guud ahaan ka qaadatay go’aan cafis ah, hase yeeshee, in yar uun ka dib markii ay Canada kulaabatay, waxay billawday dedaallo aan kala go’ laheyn oo ay ugu gurmaneyso dadka Soomaliyeed gaar ahaan sidii wax loo bari lahaa dumarka dhalinta yar ee aan heysan fursad ay waxbarasho Jaamacadeed ku helaan, waxaana ay abuurtay barnaamij ay sanad walba tiro gabdha Soomaliyeed ah uga bixineyso kharashka jaamacadda buugaagta, qalmaanta iyo nolosha ardayadda inta ay jaamacadda kujiraan, iyadoo sheegtay inay marka ugu horeysa ku fikirayso inay 100 gabdhood oo jaamiciyiin Soomaaliyeed ah soo saarto.

Amanda Lindhout oo markii Xabsiga laga soo daayay, isla markiiba bilowday olole waxbarasho heer Jaamacadeed ah inay u raadiso gabdho Soomaaliyeed ayaa taas ku macnaysay in Markii la qiimeeyo Waxyaabihii ay la kulantay intii afduubka loo haystay iyo Soo deysmadeedii ka dib, aysan maranaba isweydiin iney sax ahayd ama qalad tahay howsha ay ku doonayso inay 100 Gabdhood oo Soomaaliyeed wax barasho ilaa heer Jaamacadeed ah ka gacan siiso, iyadoo sabab uga dhigtay, inaysan garanayn wax aan sidaas  ahayn oo ay ku fikiri lahayd.

Halkaan hoose ka dhegayso nuxurka Waraysigaas oo ay hadda ka hor bixisay oo SomaliSwiss idiin tarjuntay.

Inkastoo ay la kulantay dhibaatadaas baaxadda leh intii la hayay iyo go’aanka dhinaca wanagsan ay qadatay xilligaas, hadana wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta caawinta gabdhaha Soomaaliyeed oo kaliya maaha ee Amanda Waxaa ay ka soo muuqataa televisionada iyo qalabka warbaahinta caalamka iyadoo Soomliya u doodeysa, kuna celcelisa in shacabka Soomaaliyeed aysan ahayn dad xun laakiin duruufo nololeed iyo dagaallo sokeeye iyo in lays ka halmaamay darteed ay sabab u yihiin Dhibka jira, iyadoo siyaasadaha dowladaha qaar ee Soomaliya ku wajahan dhaliileysa caalamkana ku eedeyneysa iney dayaceen kana seexdeen masuuliyaddii ka saarreeyd shacabka Soomaaliyeed

Taasi waxaa ay durba Amanda lindhout ka dhigtay qof aysan cadowga Somalidu jecleyn, waxaa lagu billaabay colaadin iyo in naceyn loo muujiyo mar haddii ay noqotay cod dhiirran oo aan cabsi iyo ganbasho midna aqoon oo shacabka Soomaaliyeed ee dulman u doodaya.

Waxaase dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo intii wanaag la jecel niyad jab ku noqotay, cadawgeedana farxad u ahaa inaan Amanda sidii ay mudayd aan cidina Muqdisho ugu soo dhoweyn, dowlad, shacab, warbaahin iyo ururo bulsho midkoodna.

Ma aysan arag wax u muujiya soo dhawayntii ay mudnayd iyo xittaa dad macquul ah oo ku yiraahda, Amanda waad Mahadsan tahay, waxayna arrintaasi ceeb iyo yax yax iyo abaal darro ku noqonaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah oo aan ula dhaqmin sidii ay mudnayd.

Si Kastaba hanoqotee, in yar oo ka mid ah Saxaafadda Soomaalida ayaa arrinteeda ka hadashay, waxaana dhammaanteen intii booqashadeeda Muqdisho ka faalootay ka midaysannahay inaan Amanda ku niraa  Waad mahadsantahay, ma halmaansanin, wixii aad shacabka soomaaliyeed u qabatay, dhibkii aad kala kulantay iyo cafiskii aad fidisay iyo gacan qabashadii iyo gargaarkii ka dambeeyay, waxaan ku leennahay, Naga raalli noqo, manihin dhammaan dad ku halmaansan, mana nihin abaal laawe yaal, laakiin dhibaatda Soomaaliya ka jirta darteed, dad badan ayaa qiil ka dhigan doona, inay mashquulsanaayeen, hase yeshee inaan laguula dhaqmin sidii aad mudnayd waan kaa raalli gelinaynaa, waxaana ku leenahay noo samir, sidii aad markii horeba wanaagga iyo samirka noogu muujisay.

SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Articles for Amanda

CBC News: Amanda Lindhout forgives captors..

Lindhout starts scholarship for Somali womens.

Amanda Lindhout oo billowday howl samafal ah oo ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed.

Gabdhaha Soomaaliyeed oo loo hayo Fursado jaamacadeed oo Lacag la’aan ah.

Amanda Lindhout oo shaacisay in ay sanadkan 30 Gabdhood oo Soomaali ah u diyaarisay Jaamacado. (Dhegayso Wareysi Somali-English & Afduubkeedii.

%d bloggers like this: