Xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo deegaanka Basra ee gobolka Sh/hoose.

undefinedHalkaan ka akhri

War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Basra ee gobolka Sh/hoose ay jiraan xiisad dagaal, halkaasi oo ay shalay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab dhaawac iyo dhac ka gaysteen.

Sidoo kale Dhaq dhaqaaqan  ciidan iyo xiisadan dagaal ayaa  la sheegay inay u dhaxayso Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Basra, halkaasi oo shalay galinkii dambe ay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ka gaysteen dhawac iyo dhac baahsan.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka in saakay aysan wanaagsaneyn xaaladda deegaanka Basra, waxanaa Maleeshiyaadka hubaysan ay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Ciidamada Al-Shabaab.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in deegaanka Basra uu ka bilaawday barakac ballaaran oo ay samaynayaan dadkii ku sugnaa halkaasi oo ka baqaya in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ku hubaysan deegaankaas oo diidan falalka Al Shabaab ay kula kacayaan dadka ku dhaqan halkaasi oo u badan xoolo dhaqato iyo beeralay.

Sida lagu soo warramay Shalay ayaa waxay Ciidamada Xarakada Al-Shabaab  ay deegaanka Basra ee gobolka Sh/hoose ka qaateen ilaa 8-Matoor oo ah nuuca lagu waraabiyo beeraha, balse waxaan la’ogayn sida ay noqon doono xaaladda daagaanka Basra oo ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan labada Maleeshiyo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: