Halkaan ka akhri
Waxaa maanta Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ee UNPOS  laga  soo saaray war-murtiyeed la xiriira shirkii wada tashiga ee shalay wajigiisa hore lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho.
Sidoo kaleWar murtiyeedkaan oo dhawr bog ka kooban waxaa ku qoran in shirkii ahaa mid looga gudb ayo hanaanka KMG loona gudbayo dawlad dhexe oo dalku yeesho.
 Qodobadda ugu muhiimsan war-murtiyeedkan ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1 – In la dhisay gudiga amniga oo ka soo talo bixiyaan sida loo wajihi karo wax ka qabashada amniga Soomaaliya iyadoo gudigan ay si joogto kulamo ugu yeelan doonaan magaalada Muqdisho.
2Â – In dhinacyadii ka qeyb galay wajiga hore ee shirkaan wada tashiga ah ee Dawlada KMG, Maamulada Puntland, GALMUDUG iyo Ahlu Sunna Waljameeca ay yeeshaan wada shaqeyn toos ah
3Â -In loo istaago sidii dalka loogu sameyn dastuur xataa haduu yahay mid u shaqeeya si KMG ah ayaa ku qoran war murtiyeedka Q,M ka soo baxay inta horeysa 20 bisha January eesanadka dambe iyo in isla dastuurkaan la dhameystiro bisha April ee sanadka 2012.
4Â – In la sameeyo qorshe lagu samaynayo tababaro dhanka ciidamada ah oo loo samaynayo ciidamada dhinacyada shirkaan ka qeyb galaya iyadoo lala kaashanayo qubaro gaar ah oo arrimahaan ku xeel dheer.
5Â – In la dhiso ciidamo dhamaystiran oo iskugu jira boolis ciidamada illaalada xeebaha iyo kuwa suga amniga gudaha dalka Soomaaliya iyadoo lala kaashanayo urur goboleedka IGAD Midawga Africa iyo Q,M.
Dhanka kale waxaa loo ballansan yahay in Shirka wada tashiga kan ku xigaahi ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal oo xarun u ah maamul goboleedka Puntland.
SomaliSwiss    Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.