Madaxwayne Shariif oo ku booriyey Ergadii Shirka Wada tashiga in loo wada istaago danta dalka iyo dadka ee Umadda Soomaaliyeed.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in qibrad laga qaato marxaladii lasoo maray muddada labaatanka sano ee uu dalka dhibaatada ku jiray.

Madaxweyanaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa Xalay khudbad ka jeediyay xaflad casho shafar ah oo loo sameeyay dhammaan ergadii ka soo qayb gashay shirka wada tashiga ee ka dhacay, magaalada Muqdisho, shalayna lagu soo gabagabeeyey

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dalka uu muddo aad u dheer ku jiray dhibaato, balse haatan loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo midnimada, waayo danta dalka iyo dadka waxay ku jirtoaa in loo wada istaago sidii looga wada shaqeyn lahaa danta guud ee Umadda Soomaaliyeed iyo sidii loo hanan lahaa in dib loo soo celiyo sharafkii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku lahayd Caalamka..

Madaxweyne Shariif wuxuu kaloo uu carabaabey in xuquuqda shaqsi kasta oo Soomaali ah la helli karo marka ay jirto cadaalad, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyey in dib ay ugu laabtaan kala qaybsanaan iyo cadaalad darro.

Madaxweyanaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “caalamku wuxuu u soo jeestay in uu la shaqeeyo Soomaaliya, sidaas darteed ma habboona in aan iska lumino fursadda haatan ina soo martay  oo in muddo ah ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale  Madaxweyne Shariif wuxuu dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in aan si sahlan lagu soo celin Karin Nidaamkii dal uu lahaa oo lumay, balse lagu heli karo Nidaamkaas in gacmaha la is qabsado ummada Soomalaiyeedna ay quluubta isku furto, sidoo kale wuxuu sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay dhibaateysan yihiin wadamo ka tirsan caalamka, taasina looga bixi karo in fursadda la haysto laga wada faa’ideysto.

Si kasta ha ahaatee xafladda casho sharafta ah oo loo sameeyay ergadii ka soo qayb gashay shirka wada tashigha oo shalay galinkii danbe loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ah shirkii ugu horreeyey oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya , inkastoo ay jiraan dhaliilo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: