Shirkii wada tashiga Soomaalida ee ka socday magaalada Muqdisho oo la soo gabagabeeyay.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ee ka socday shirkii wada tashiga Soomaalida ayaa galabnimadii maanta lagu soo gabagabeeyay, waxaana shirkaasi oo galay maalintiisii saddexaad ayaa isugu jiray warbixino ay halkaasi ka soo jeediyeen wufuuda ka qeyb galeysa shirka iyo go’aano ay soo saareen guddiyada lagu magacaabay shirkaasi.

Sidoo kale Guddiyada loo magacaabay shirka wada tashiga ayaa waxay maanta ka soo jeediyeen madasha shirka go’aanadii ay soo ka soo gaareen qodobadii loo dhiibay waxaana ka mid ahaa:

–       In la dhameystiro Dastuurka Qabyada ah.

–      In la yareeyo tirada xubnaha Baarlamaanka.

–      In la kordhiyo tababarada ciidamada.

–    In la ballaariyo dib u heshiisiinta.

 –   In mudada KMG ah ay ku eg tahay bisha Agosto iyo go’aano kale oo ku saabsan dhinaca amniga.

Dhanka kale Wufuuda ka qeyb gashay shirka ayaa iyana gabagabada shirka waxay ka hadleen aragtidooda ku aadan shirkaasi iyo go’aanada ka soo baxay, waxayna si weyn u soo dhoweeyeen qaabka uu shirkaasi u soo gabagaboobay, halka qaarkood ay sheegeen in loo baahan yahay howlo kale oo dheeraad ah inay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee shirkaasi oo ka dhici doona magaalada Garowe.

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleyno madasha shirka wada tashiga maanta lagu soo gabagabeeyay xerada Xalane ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran yahay oo Saxaafaddana dibad joog ka ahayd ay galeen Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Dr. Agustin Mahiga, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah, labada Madaxweyne iyo wakiilo ka socday Culumada Ahlu Sunna, kuwaasi oo iyagu ka doodaya sida la  sheegay qodobada xasaasiga ah ee shirka looga hadlay isla markaana ay horay u soo jeediyeen gudiyada shirka oo uu ka mid yahay tiro yareynta xubnaha Baarlamaanka.

Si kasta ha u dhacee shirkan ayaa waxaa Mucaarada qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka, Ururrada Bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah Qurbajooga, waxayna horay u sheegeen in shirkan ka soo  baxaynin wax dan u ah Umaadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: