Advertisements

Dagaalyahaniin isugu jira Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo ku qulqulaya Dalka Yeman.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar naga soo gaaraya magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegaya in wadankaas ay soo galeen labadii toddobaad ugu dambeysay maleeshiyooyin ka tirsan Ururrada Al-Shabaab iyo kuwo ka tirsan Al-Qaacida, kuwaasi oo ka soo tegay dalka Soomaaliya, sidaa waxaa sheegay Saraakiisha ammaanka dalka Yeman.

Sidoo kale Warbixin dheer oo uu qoray wargeyska Yeman Observer ayaa lagu caddeeyey in wadanka Yemen ay  soo galeen  in ka badan 600-maleeshiyo, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada ururka Al-Shabaab iyo kuwa Al-Qaacida, waxaana la sheegay inay ka soo galeen dalka Yemen dhinaca badda, iyagoo ka soo degay Dekedda macmalka ah ee Shabwa kuna taalla gobolka Ebyan halkaasi oo ay maamulaan Al-Qaacidada Jasiirada Carabta ee dagaalada ka wada dalka Yeman.

Madax ka tirsan Dowladda Yeman ayaa waxay si cad u sheegeen in wadankeeda ay soo galeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo Dowladdu sidoo kale ku eedeysay in Soomaalida dalkeeda joogta qaarkood ay qeyb ka yihiin dagaalada ka dhacaya dalka Yeman, kaddib markii ay ciidamadu heleen meydadka rag Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay kuwa Al-Qaacida.

Dhanka kale waxaa si ah ah looga shakisan yahay in qaxooti dad Soomaaliyeed ah oo gaaray wadanka Yeman inay ku jiraan maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo qaab qaxooti ahaan ah ku gelaya wadanka Yeman si ay ugu sii gudbaan gobolada ay maamulaan dagaalyahanada Al-Qaacidada Jasiirada Carabta, iyadoo Dowladda dalkaasina la sheegayo inay bilowday feejignaan ka dhan ah qaxootiga Soomaalida.

SomaliSwiss      Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: