Shacabka Kanton Zürich oo shalay Cod buuxa ku ansixiyeen in isbadel lagu sameeyo dhaqaalaha la siiyo dadka Qaxootiga ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Shalay oo Axada ahayd bishana ku beegnayd 4ta September, waxaa shacabka Kanton Zürich ay u dareereen  codbixin lagu doonayo  in isbadel lagu sameeyo dhaqaalaha la siiyo dadka Qaxootiga ah ee magangelya doonka ah (Vorläufig Afnahme), arrintan ayaa xisbiyada qaarkood ay soo jeediyeen in wax laga bedelo sharciga iminka jira oo dhib xoog leh ku haya nolosha dadka heysta Sharciya Qaxootiga Ku-meel gaarka ah (Vorläufig Afnahme).

Inkastoo xisbiyada qaarkood ay ku andacoonayaan in haddii wax laga bedelo sharciga iminka jira ay dad badan oo dhaqaaale Raadis ah ay soo geli doonaan dalka Switzerland, iyagoo codsanaya Magangelyo.

Haddaba  Mooshinkan waxaa ku guuleystay Axsaabtii  iyo kooxahii u ololeynayey in dadka Qaxootiga ah ee haysta Sharciga Ku meel gaarka ah (Vorläufig Afnahme) wax laga beddelo dhaqaalihii siin jiray maadaama ay la kulmeen nolol aad u cariiri ah.

 Sida ay sheegeen Kooxdii u ololeynaysay in isbedel lagu sameeyo dhaqaalaha la siiyo dadka Qaxootiga ah in ujeedada ugu weyn ee loogu gun-leeyahay ay tahay sugidda Ammaanka, sidaas awgeedna ay ku guusha ku haleen Codbixin dhan 61,39% boqolkiiba, kuwii ka soo hojeedina ay ku waayeen  Cod bixin dhan 38,4% boqlkiiba.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: