UNHCR oo magangelyo siisay Soomaali go’doon ku aheyd dalka Lbiya.

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adda Qaxootiga ee hoos tagta Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa la sheegay inay magangeliyo siisay 50 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo dagaalyahannada mucaaradka Libya ay ka heleen guri ku yaallo nawaaxiga magaalada Tajura ee ay ka baxaan dadka tahriibka ahmarka ay u safrayaa wadamada Yurub.

Dadkan qaxootiga Soomaalida ah oo 50 qof ah ayaa la sheegay in shan ka mid ah ay yihiin haween iyo cunug yar, waxaana ay dadkaasi doonayeen in ay si sharci darro ah uga amba baxaan dekedda Tajura.

Wakaaladda wararka dalka faransiiska ee AFP  oo wareysatay qaar ka mid ah Sooomaalida qaxootiga ah  ayaa sheegay in ay ka war qabeen dagaallo ka socda dalka Libya, balse aanay ku fikirin in ay ka khatar badan yihiin kuwa ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaalidu waxay u caddeeyeen Wakaaladda AFP in Soomaaliya ay kaga soo carareen hanjabaadyada farabadan oo ay  kala kulmayaan maalin kasta maleeshiyada Al-Shabaab, waxayna sheegeen in dad badan lagu qasbey inay dagaallamaan, haddii kale la dilayo.

Dadkan Qaxootiga ayaa Wakaaladda AFP u sheegeen in Soomaali badan ay ku dhibaateysan yihiin dalka Libya, kuwaas oo ku dhuumaalaysanaya guryaha, cabsi ay ka qabaan inay ku waxyeelo ka soo gaarto dagaallo ka socda dalka Libiya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: