Advertisements

Shirka wadatashiga Soomaalida oo duhurnimadii maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Maanta saacadu markii ay tahay 1:00 Duhurnimo ka furmay magaalada Muqdisho Shirka Wadatashiga Soomaalida, inkastoo saakay waxoogaa uu dib uga dhacay furitaanka shirkaasi. 

Shirka wadatashiga Soomaalida oo ay ku kulmayaan oo lagu qabtay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada  Muqdisho, waxaana ka qayb galaya ergooyinka ka kala socda Dowladda KMG ah, Puntland, Galmudug, Ahlusunna iyo ergooyin ka socda beesha caalamka, gaar ahaan xafiiska Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNPOS.

Sida lagu soo warramay waxaa wali soo gaarin madasha shirka labada Madaxweyne ee Maamullada Galmudug iyo Puntland, iyadoo aan la ogeyn in labada Madaxweyne ay imaanayaan shirka iyo in kale, balse ergooyinka labadaasi dhinaca ayaa ku sugan madasha Shirka ka furmay.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in goobta uu shirku ka dhacayo oo ah Fadhiga  Golaha  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn ammaankeeda u sugaaya ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waxaa halka uu ka furmayo shirku ku sugan qaybaha warbaahinta Soomaaliya, iyadoo uu shirkaasi uu ka qaybgalaayo Danjire Augustine Mahiga oo ah wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo Wufuud kale oo ka socda Beesha Caalamka ee danaynaya xal u xelidda xaaladda Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: