Advertisements

Magaalada Muqdisho oo ay soo gaareen Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

http://t0.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSWU_7UM8vI7dcLQLjESb9w-wrCYRAArOsRvJXGk8hdXpkGD9yV

undefinedHalkaan ka akhri

 Waxaa duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho  ka soo degay  Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxaana si toos ah loo geeyey madasha shirka wadatashiga uu ka socdo ee xarununta golaha shacbiga ee Muqdisho.

Dr.  C/raxmaan Faroole oo ah Madaxweynaha Maamu Goboleedka Puntland ayaa Kowdii Duhurnimo ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo daqiiqado kadib ay garoonka soo cagadhigatay diyaarad uu la socday Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Maxamed Caalin  , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Dowladda oo uu ka mid ahaa R/wasaaraha Dalka Dr C/weli, guddoomiyaha Baarlamanka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda.

Mas’uuliyiintan ayaa loo soo gelbiyay madasha uu ka socdo  shirka wadatashiga Soomaaliyeed ee maanta ka furmay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxeyna haatan ka qeyb qaadanayaan shirkaasi

. SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: