Dowladda Malaysia oo Aas heer Qaran ah u sameysay Wariyihii Malaysian-ka ahaa ee ay ciidamda Amisom ku dileen Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Malaysia ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin isugu jiray arday iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaasoo tiradoodu ka koobneyd 26 ruux ayaa saakay u amba baxay garoonkii laga soo dejinayay meydka wariyihii Malaysian-ka marxuum Noram Faizul oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho galabnimadii Jimcaha ahayd.

Sida lagu soo waramay qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo isku hawlay in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin shilkii ka dhacay Soomaaliya, isla markaana fariin codsi ah u gudbiyeen mas’uuliyiinta dawlada Malaysia si ay uga qeyb qaataan Janaasada iyo Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuumka, arrintaas oo loo ogolaaday aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Kadib markii Soomaalida loo ogolaaday Codsigooda waxay aadeen garoonkii ay ku soo degaysay diyaaradii waday meydkii Wariyaha,  ayaa Soomalidu waxay soo dhaweyn niyad furan ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiintii dawlada Malaysia oo goobtaasi ku sugnaa.

Sidoo kale, markii meydka wariyaha loo qaaday isla masjid ku dhex yaala garoonka diyaaradaha gudihiisa ayaa waxaa goobtaasi janaasada kula tukaday Ra’isal wasaaraha Malaysia Najib Tun Razak iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, iyo boqolaal qofood oo kale oo ay Soomaalidu qeyb ka ahaayeen.

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in naxashka meydka la dul saaray calanka buluuga ee Soomaaliyeed, taasoo aqoonyahanadu tilmaameen inay ugu muujinayeen dawlada Malaysia in wariyuhu uusan Malaysia kaliya ka dhiman ee uu xitaa Soomaalidoo dhan ka geeriyooday isagoo gudanaya waajibaad bini’aadanimo.

Si kasta ha ahaatee, kaalinta ay muujiyeen aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia ayaa u muuqatay mid ay si aad ah uga raali noqdeen dawlada Malaysia, kuwaasoo tix gelin gaar ah u hayay hab wanaaga ay uga soo qeyb qaateen aaska iyo tacsida wariyaha.

 SomaliSwiss  Kuala Lumpur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: