Advertisements

Dhegayso Khudbadihii Shirka wadatashiga ay ka jeediyeen Sh.shariif, Faroole, Caalin iyo C/weli Gaas

HOOS KA FIIRI MAQAL IYO MUUQAAL

undefinedHalkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’isal wasaaraha xukuumadda, C/raxmaan Faroole madaxweynaha Puntland iyo Col. Maxamed Axmed Caalin madaxweynaha Galmudug ayaa khudbado ka jeediyay furintaanka shirka wadatashiga oo gallinkii dambe ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxayna dhammaantood rajo wanaagsan ka muujiyay shirka iyo qodobbada kasoo bixi kara, inkastoo ay shirkaas ka qayb gelayaan oo kaliya 3 kooxood iyo dowladda KMG ah, halka aan lagu casuumin Soomaalida kale qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif

Madaxweynaha Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid ay isugu yimaadeen Soomaalida oo dhan isla markaana ay maslaxadooda kaga tashanayaan, isagoo intaas ku daray in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, dadka Soomaaliyeedna ay yihiin kuwo jecel nabadda iyo walaaltinimada, wuxuuna shirka ku tilmaamay fursad u soo hoyatay Soomaaliya. Sheikh Shariif ma sheegin in shirkaas aan laga qayb gelin Soomaalida qaybaheeda kale marka laga reebo Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna.

Dhegeyso Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya 

  Sidoo kale, Sheikh Shariif ayaa khudbaddiisii ku sheegay in shirkan looga faa’iideysan doono in dalka lagu hoggaamiyo xorriyad, wuxuuna ku tilmaamay in lagu soo celin doono shirkaan dhammaan adeegyadii bulshada si dalku uga soo kabto dhibaatooyinkii labaatanka sano ka jiray.

Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday abaaraha, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameynta daran ku yeesheen dadaalna loo galo sidii dadka lagu gaarsiin lahaa isku-filaasho.

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

C/weli Gaas, Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadli doono afar qodob oo uu sheegay inay ka mid yihiin: Sugidda aminiga, dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta, iyo dhameystirka dastuurka dalka. 

Dhegeyso Hadalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Sidoo kale C/weli Gaas wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumaddu KMG ah ay xilka haynayso hal sano ayna wax badan ku qaban doonto, isagoo shacabka ku boorriyay inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dalka iyo dadka.

 

Madaxweynaha Galmudug

Col. Caalin oo isaguna shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ka mid yahay DKMG ah ee Soomaaliya, isla markaana uu la qaybsanayo wax walbo oo wanaag ah iyo wax walba oo dhib ah, isagoo intaas raaciyay in maanta ay Soomaaliya haysato fursadii ugu wanaagsanayd muddo 20-sano ah loona baahan yahay in laga faa’iideysto.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku sheegay in shirkan uu u arko mid ay Soomaalidu kaga tashanayso aayahooda, isagoo intaa raaciyay in laga fogaado wax walbo oo dib-u-dhac keeni kara, sida qabyaaladda oo kale. Dhegeyso Hadalka Madaxweynaha Gal-mudug

Madaxweynaha Puntland

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inay isaga fursad weyn u tahay inuu kasoo qayb-galo shirka ay isugu yimaadeen dhinacyada Soomaalida wuxuuna sheegay in fursadan lagu kasban karo qalbiyada ummada Soomaaliyeed oo in muddo ah nijayd-jabsanayd, taas oo uu malaha ula jeeday maamulkiisa.

Mudane Faroole ayaa sheegay in midnimo lagu gaari karo wax walba oo la qabanayo isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay gacmaha is-qabsadaan, taasoo uu sheegay in lagu heli karo maamul lagu mideysan yahay inkastoo ay jiraan caqabado yar-yar oo laga gudbi karo. 

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in shirkan uu ka rajeynayo in uu noqdo midkii ay Soomaali oo dhan isku raaci lahayd, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay wixii hore iska halmaamaan oo ay u istaagaan sidii dalka dhibaatada looga bixin lahaa.  Dhegeyso Hadalka Madaxweynaha Puntland  

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: