Advertisements

Wafdigii Shirka wadatashiga Soomaalida uga qeyb geli lahaa maamulka Puntland oo maanta kasoo degay garoonka Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

WAFDIGA MAAMULKA PUNTLAND UGA QEYB GALAYA SHIRKA

Wafdi ka kooban 25 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaano maamul goboleedka Puntland uga qaybgalaya shirka wadatashiga ah ee ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray garoonka diyaaradaha Adan Ade International Airport, waxaana wafdigan halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliay.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali, waxaana kamid ah wasiirrada Qorsheynta, waxbarashada, wasiirrada haweenka iyo xubno kale oo fara badan.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed oo lagu waday inuu wafdiga soo raaco ayaa la sheegay inuu dib u dhacay, iyadoo aan la sheegin inuu shirka ka qayb-galayo iyo in kale, iyadoo wafdigan uu shirka uga qaybgalayo dhinaca maamulka Puntland.

Wafdigan ayaa waxa ay kasoo amba-baxeen garoonka diyaaradaha Garowe, iyagoo gallinkii dambe ee maanta kasoo dagay garoonka Muqdisho.

Shirka wadatashiga Soomaalida ayaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda KMG Soomaaliya, dhameystirka dastuurka iyo weliba qodobbo kale oo fara badan.

Qarammada Midoobay ayaa shirkan maal gelinaysa, waxaana lagu wadaa in ay saddexda maalmood ka qayb-galaan wafdi ka socda UN-ka oo uu horkacayo Amb. Augutine Mahiga, iyadoo shirkan kiisa xiga lagu qaban doono Garoowe.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: