Advertisements

Taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland oo goor dhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

undefinedHalkaan ka akhri

War Deg Deg ah: Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa goor dhow lagu dilay xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Galkacyo, xilli isaga iyo Ciidamo kale ay kormeerayeen Xaafada garsoor ee magaalada galkacyo.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabayay Col. Maxamed Muuse Ilka-Dheere ayaa la sheegay in meel fog laga soo toogtay oo loo maleynayo in halkii dhufeyska ku jireen maleeshiyo beeleedyada ay ka soo liifeen.

Dhanka kale xaafada Garsoor oo kala qeybisa waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyo ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad hubaysan waxaana dagaaladaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

 Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay xarumaha caafimaadka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxay inoo sheegeen in dhaawacyo badan la soo gaarsiiyay isbitaalada ku yaala magaalada Gaalkacyo iyadoo tirada dhimashada la sheegayo inay sii gaareyso ilaa 50 ruux.

 Xaalada ayaa ah mid iminka degan, iyadoo dad fara badan ay ka barakaceen Waqooyiga Galkacyo ee ay dagaalada ka socdeen, ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkaas, hase ahaatee waxay dilkan sare u qaadeysa xiisada dagaal ee ka oogan Waqooyiga Gaalkacyo, iyo ammaan darada baahday ee ka jira guud ahaan magaalada.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: