SomaliSwiss oo deeq lacageed gaarsiisay Caruur Agoon ah oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.

HOOS KA FIIRI SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

RIIX SAWIRADA SI AAD U ARAGTO IYAGOO WAAWAYN

Iyadoo ay weli socdaan gurmadyada lagu badbaadinayo dadka kala duwan ee ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa Deeq lacageed oo ay iska aruuriyeen Walaalo Soomaaliyeed oo ku nool Waqooyiga (North West) ee Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, isla markaasna ay soo mariyeen Shabakadda SomaliSwiss waxaa loo qaybiyay Agoon ku dhibaateysan magaalada Muqdisho. 

Deeqdaas lacageed oo gaareysey Saddex Boqol oo Doolar  ayaa la gaarsiiyey Caruur Agoon ah oo si aad ah ugu dhibaateysnaa Magaalada Muqdisho waxayna SomaliSwiss Deeqdaas lacageed inuu qaybiyo u wakiilatay Maxamed Cumar Baakaay oo ka mid ah Suxufiyiinta waawayn ee Soomaaliyeed oo qaybiyay deeqdaas lacageed isagoo kaashanayay suxufiyiin kale. 

Caruurta agoonta ahayd ee loo qeybiyay Lacagtaas oo loo bedelay Shilin Soomaali ayaa gaareysay 12 Curuur ah oo ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ku kala sugnaa xaalado adag, iyadoo ay qiimeyntooda iyo mudnaanta in lacagtaas loo qeybiyo ay gacan ka geysteen Suxufiyiin Soomaaliyeed oo oo ay ka mid ahaayeen Baakaay iyo Dr. Amiin Yusuf Khasaaro, kuwaas oo isku raacay inay mudan yihiin in mudnaanta 1-aad lasiiyo.

12-ka Caruurta ah oo Aabayaashoodii ay geeriyoodeen  ayaa lix ka mid ah ilmahaas hooyadood waxay qabtaa Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyadoo Hooyadaasna   lagu faquuqay cudurka ay qabto darted, halka ninkeeda uu u geeriyoodey isla cudurkaas HIV/AIDS horraatii Sannad kii hore, balse  Nasiib Wanaag Lixda Caruurta ah uu  Ilaah ka badbaadiyey  Cudurkaas.

Hooyada dhashay lixda ka mid ah agoonta deeqda lagaarsiiyay ayay suxufiyiintu sheegen inay ku sugan tahay xaalad adag iyadoo aysan jirin cid ay gacan ka heshay ama ka helayso, halka ay intaas u dheertahay iyadoo aad loo fogeeyay cudurka ay qabto dartiis.

“Markii aan ku booqdey Guriga Hooyo Sacdiya oo ah Hooyada la nool Cudurka HIV/AIDS  waxaan ugu tagey Guri ka sameysan Jiingad (Laamayeeri) oo weliba ay ijaar ugu jirto Qolkaas Afarta Mitir ah waxaana ku Hoyda iyada iyo Lixdeeda Caruurta ee Agoonta ah weliba lagu Faquuqey Jiingadaas, waana hooyo u baahan Kaalmo heer Bulsho ah” ayay yiraahdeen Maxamad Cumar Baakaay iyo Amiin Yusuf Khasaro oo ka mid ahaa suxufiyiiintii booqatay haweyneyda.

Waalidkii la gaarsiiyey Lacagtaas ayaa u Mahadceliyey intii soo dhiibtey Sadaqadaas iyagoo Ilaah ugu baryey in uu u sii labalaabo Xoolahooda sidoo kale Maxamed Cumar Baakaay ayaa isna u mahadceliyey SomaliSwiss iyo intii sadaqadaas soo dhiibtay iyo intii gacan ka geysatay isku soo dubaridka Deeqdaas lacageed.  

Ma ahan markii ugu horeysay ee somaliSwiss ay deeq lacageed gaarsiiso Shacab Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Soomaaliya, balse Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii ay mid ka mid ah Kaamamka Muqdisho ka qaybisay lacag gaareysay $600 (Lix Boqol Doollar) oo walaal Muslim Turki ah uu ugu deeqay Soomaalida dhibaateysan taas oo uu soo mariyay SomaliSwiss.

Qofkii ama ciddii Doonaysa inuu caawiyo ama gargaar u diro walaalaha Soomaaliyeed una marsiiyo SomaliSwiss ama gacan ku siiso sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxay nagala soo xiriiri karaan telefoonada kala ah: UK  00447903801100, 00 447898940083, 00447946276500 Switzerland 0041438189169

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: