Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo maanta gilgilay Magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

undefinedHalkaan ka akhri

Ugu yaraan 16 qof  oo u badan Askarta  Dowlada KMG  ee Soomaaliya ayaa ku naf waayay Qarax aad u weynaa oo ka dhacay maanta gudaha Magaalada Luuq ee gobolka gedo.

Sida ay xaqiijinayaan Warar kala duwan oo naga soo garaya magalada luuq, qaraxaas  ayaa lagu bar tilmaameed sanayay Gadiid  Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay lahayeen oo marayay Bartamaha Magalada Luuq.

Inta la hubo  waxaa ugu yaraan ku nafwayday  qaraxaas 16 qof  oo u badan Askarta  Dowlada Soomaaliya  kuwaas oo malmahaanba dhaqdhaqaaq Ciidan ka waday gudaha iyo dafaha Magalada   Luuq halka dhawacuna uu gaarayo 35 qofood.

Mas’uul ka tisan  Maamulka Dowlada KMG ah ee Gobolka Gedo Cabdi Kaliil ayaa shegaay in qaraxaani ay ka danbeyeen  Xarakada Al-shabaab  waxaa uuna   tibaxaay in ay si weyn uga jawaabi doonaan,  isla markaana ay  ka sifeyn doonan   Xarakada Al-shabaab guud ahaan Gobolka Gedo.

SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: