Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Digniin ujeedisay ciidamada iyo Rayidka gacanta ku haya Hubka kala duwan.

undefinedHalkaan ka akhri

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culus ujeedisay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyadoo sheegtay in qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad deg dega ah.

G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qaar ka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la dardargaliyay howllaha Maxkamada, sidaasi darteedna Maxkamada ay digniin culus u jeedineysaa Ciidamada iyo dadka kale oo gacanta ku hayo Hubka noocyadiis kala duwan ee ku sugan dalka Gudihiisa, gaar ahaan magaalada Muqdisho in lagu arki Karin askari Hub ku dhex wata isagoo aan haynin howl Qaran ee dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale G/sare Muungaab ayaa tibaaxay in ciidamada laga doonayo in ay ka taxadaraan xilliyada ay howlgallada socdaan in ay ka soo baxaan difaayadooda ammar la’aan, isagoo dhinaca kale digniin u jeediyay saraakiisha ciidamada hoggaamineysa in aysan ka warhayn oo askari aan fasax sharci ah ka qaadan uu ka soo baxo difaaca uu jiro.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka jirto xaalada deg deg ah taasi oo uu 13 bishii hore ku soo rogay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo adkeyay ammaanka goobihii laga xureyay cadowga.

Ha yeeshee guddoomiyuhu wuxuu Caddeeyey in ciqaad adag la marsiin doono ciddii u hoggaansami waydo ammarka soo baxay Maxkamada wuxuuna intaa raaciyay in lala tiigsan doono askarta arrintaasi ku xadgubta xeerka ciqaabka Soomaaliya iyo kan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya u degsan.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socdaan howlgallo dalka looga saarayo Xarakada Al-Shabaab, dowladduna ay xil weyn iska saartay sugida ammaanka caasimada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: