Mahatiir Maxamad iyo Marwada Ra’isal wasaaraha Malaysia oo olole deeq loogu uruurinayo Shacabka Soomaaliyeed ka wada dalka Maleysia.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaarihii hore ee ugu muddada dheeraa dalka Malaysia, isla markaana ahaa aabaha gobanimada iyo horumarka dalka Malaysia u horseeday Dr. Mahatir Momamed iyo Marwada R/wasaaraha hadda talada Malaysia haya ee magaceeda la yiraahdo Rosmah Mansor ayaa dhexda u xirtay sidii ay u caawin lahaayeen barakacayaasha Soomaaliyeed ee abaaraha ba’ani ku dhufteen qeybo badan oo gobolada dalka Soomaaliya ka mida kuwaasoo mar kaliya macluusha haysata darteed ay soo jiidatay indhaha caalamka.

Dr. Mahatiir Maxamed oo taariikhda dalka Malaysia baal dahab ah uga jira isla markaana dadka Malaysian-ku u qirsan yihiin inuu isagu leeyahay horumarka iyo amniga maanta wadanka Malaysia ku tilaabsatay ayaa hadana maanta u taagan in Soomaalida dhibaateysan la caawiyo isagoo u garaacaya albaab kasta sida maal qabeenada Malaysian-ka, Shirkadaha, hay’adaha iyo Bankiyada wadanku leeyahay ay dadka Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen.

Waxaana mar walba Tv-yada laga daawadaa isagoo ka qeyb galaya barnaamijyo ay qabtaan shirkado amaba hay’ado lacago ugu deeqay abaaraha Soomaaliya kuwaasoo sida ay sheegeen ka naxay xaaladda nolol ee ka taagan Soomaaliya.

Dr. Mahatir oo ah halyeey jecel nabada iyo horumarka dawladaha Islaamka ayaa la xasuusan yahay inuu hada ka hor ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee madaxweyne Shariif Shiikh Axmed lagu soo doortay, halkaasoo uu ka jeediyay khudbad dheer uu uga hadlay inay muqadas tahay Soomaalida midnimadeeda iyo sidii ay uga heshiin lahaayeen kilaafaadka daba dheeraaday maadaama ay yihiin ummad Islaam ah.

Dhanka kale, Marwada u dhaxda ra’isal wasaaraha haatan xukunka dalka Malaysia haya ee magaceeda la yiraahdo Rosmah Mansor ayaa iyana waxay u taagan tahay u gar gaarida barakacayaasha Soomaaliyeed ee gaajada iyo abaarta ku habsatay. Waxaana Tv-yada dalka Malaysia laga daawadaa marwada oo kaalmo bini’aadanimo u weydiinaysa Soomaalida dhamaan shirkadaha, hay’adaha aan dawliga aheyn, bankiyada iyo maal qabeenada.

Haddaba, qaar ka mid ah shirkadaha iyo bankiyada waaweyn ee wax ku deeqay waxaa ka mid ah, Shirkada weyn ee Korontada, Shirkada Jesco, bankiga May bank, CIMB Bank iyo kuwo kaloo fara badan. Waxaana lacagahaasi soo uruuro lagu wadaa in hay’adda Mercy lagu wareejiyo oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka sii wado hawlaheeda gar gaarka.

Wariye C/raxmaan Jaamac ” Heeloos ”

Kuala Lumpur_Malaysia

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: