Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo soo saartay sharci diidaya ka ganacsiga Hubka.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa soo saartay ammar ku aadan in aan laga ganacsan karin Hub kaddib kulan ay gollaha wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho.

kulan gollaha wasiiradda kaddib ayaa waxaa Warbaahinta wareysi siiyay wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta  xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Maxamed Xuseen (Jahweyn) wuxuuna sheegay in shirkii gollaha wasiiradda oo arrimo badan looga hadlay lagu go’aamiyay in aanu Hubka laga ganacsan karin si meesha looga saaro wax kasta oo qal qal galin kara amniga.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu tilmaamay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay qiimeysay xaalada amni ee dalka halka ay mareyso, sidaasi darteedna waxaa dadka Soomaaliyeed looga digayaa in ay  ka fogaadaan ka ganacsiga Hub noocyadiisa kala duwan, wuxuuna  xusay in arrintan ay qayb ka tahay dadaalada ay dowladda ugu jirto in dalka oo idil ammaan iyo kala danbeyn lagu soo celiyo.

Bakse wasiirka Warfaafinta wuxuu tibaaxay in ay tahay guul in xukuumadda KMG Soomaaliya ay go’aamiso in la mamnuuco Hubka, sida sharci darrada ah looga ganacsanayo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: