Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay gacan bir ah ku qabanayaan Askarta iyo kooxaha hubeysan.

undefinedHalkaan ka akhri

Taliyaha ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay gacan adag  ku qabanayaan Ciidanka dowladda iyo kooxaha hubka sharci darada ah ku dhex sita magaalada Muqdisho.

Gen. Shariif Shiiqunaa Maye oo ah taliyaha ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan Askar iyo kooxo uu tilmaamay in hub sharci dara ah  ku dhex wataan degmooyinka goboolka Banaadir.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay sharci daro tahay in hub sharci dara ah lagu dhex sito gudaha magaalada Muqdisho,  wuxuuna xusay in qof walba oo doonaya inuu hub ku dhex wato magaalada muqdisho looga baahan yahay inuu ka fasax qaato Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, isagoo intaasi ku daray inay ka hortagayaan  wixii carqaladeenaya amaanka islamarkaana ay talaabo ka qaadayaan.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada booliska dowladda KMG ayaa sheegay in ciidamada aysan u dhisneen qaab qabiil,  waxaana uu sidaasi daraadeed  wacad ku maray inay dib usoo celin doonaan kala dambeyntii ay laheyd magaalada Muqdisho, taasi oo uu sheegay in hadii la iska kaashado laga gaaryo guusha kama dambeysta ah.

 Balse hadalka Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ku soo bandhigeen  Xarakada Al-Shabaab hub noocyo kala duwan,  waxyaabo qarxa iyo Ciidan si fiicana loo soo tababaray  oo Shaabku ay doonayaa in magaalada Muqdisho howlgallo ka sameeyeen.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: