Halkaan ka akhri
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa Shaaca ka qaaday in Shirka Wadatashiga Soomaaliyeed looga hadlaayo 5-qodob, islamarkaana waxa uu sheegay in shirkaasi uu dhacaayo waqtigii loo qabtay ninuu qabsoomo.
Ra’iisul wasaare C/weli oo wareysi siinaayay Idaacadda BBC-da ayaakala cadeeyay qodabada shirkaasi looga hadlaayo, wuxuun sheegay in qodobadaasi ay kala yihiin:
- Â Dhameystirka dastuurka iyo sidii looga bixi lahaa KMG ah looguna gudbi lahaa dowlad dhameystiran.
- Â Sidii loo adkeyn lahaa xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo dib u heshiisiinta.
- In la helo maamul wanaag si ay dowladdu u matasho shacabka loolana xisaabtami karo.
- Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa dowladda.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in shirka lagu qabanayo Muqdisho uuna dhici doono muddadii la qabtay oo ahayd afarta illaa lixda bishan, Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay oo uu qiray inuusan shirka dib u dhacayn waqtigii loo qabtay.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.