Maydad dad dhalinyaro ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya oo lasoo dhigay magaalada Gaalkacyo.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar isa soo taraya ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in maydad saddex wiil oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana lagu soo warramayaa in dhallinyaradaas gaarkood madax laga jaray, saakana laga helay koonfurta magaalada Gaalkacyo, dhanka ay maamulaan maamul-goboleedka Puntland.

Sidoo kale  Mayadadka laga helay ayaa la sheegay jirkooda lagu arkay, kana muuqday Mindiyo, waxaana maydadkaas laga helay xaafadda Siinaay iyo Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Hase ahaatee warku wuxuu intaa ku darayaa in dhalinyarada dilka wuxuushnimada ah loo geystay maydadkooda goobta la dhigay ka qaaday ciidamada ammaanka maamulka Puntland waxayna sheegeen in wadaan baaritaan xooggan si gacanta loogu soo dhigo dadkii arrintaani araxn darrada ah ka danbeysay.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan koonfurta magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda gobollada koonfurta Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyinka loo geysanayo dadka ka soo jeeda koonfurta dalka.

Si kasta ha ahaatee dadka ka soo jeeda gobollada koonruta, gaar G/ Bay iyo Bakool ayaa ka codsaday waxgaradka iyo maamulka Puntland in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dadkaasi ay la kulmayaan kuwaasi oo marar badan ku soo noq noqday koonfurta Gaalkacyo.

SomaliSwiss       Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: