Mareykanka oo ugu deeqay 23 million Wadamada Geeska Afrika oo ay macluusha ka jirto oo ay Soomaaliya ugu daran tahay.

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan gargaaka ee USIAD ayaa sheegtay in Mareykanku ugu deeqday qaar ka mid ah Wadamada ku yaala Geeska Afrika 23 million oo  dollar Mareykanka ah, si wax looga qabto wadamada ay macluusha ka jirto oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ugana daran tahay.

Sidoo kale maamulaha hay’adda USAID Mr. Raj shah ayaa ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Miniapols ee dalka Mareykanka islamarkaana ay goobjoog ka ahayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi in lacago ay ku yaboohday dowladda Mareykanka.

Mr. Raj shah ayaa wuxuu intaas raaciyey ee uu yiri: “Lacagtaasi waa mid dheeri ah oo hay’adda gargaarka ee dalka Mareykanka ugu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka ay abaaruhu rebeen dadaalka aan ku dooneyno in aan ku caawino dadka Soomaaliyeed iyo kuwa kale waan sii wadi doono”.

Maamuluhu wuxuu caddeeyey in 5 gobol oo ka tirsan Soomaaliya ay ka taagan tahay macluusha ugu daran waxa uuna farta ku fiiqay gobollada ay Shabaab ku hareen oo uu ku tilmaamay in ay  yihiin meello ay xaalad adag ka jirto, isagoo carabka ku dhuftay hadii aan wax laga qaban in ay ku sii fidi doonto macluusha gobollo kale.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 million oo ku nool wadamada Geesska Afrika ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah  oo ay ku jiraan 3.7 million oo Soomaaliya.

SomaliSwiss       Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: