Advertisements

Wafdi ay hoggoominaysay wasiirka ganacsiga dowladda Sweden oo booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ka socday dowladda Swedan oo ay hoggaaminaysay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mis Konila Karson oo ah Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee dowlada Sweden waxay maanta kulan la qaadatay Wasirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen iyagoo ka wadahadlay xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka.

Kulanka kadib ayaa Wasirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya saxaafadda la hadlay wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalka wasiirka Sweden uu ahaa u kuurgelidda xaaladda dadka Soomaaliyeed ee tabaaleeysan, iyadoo sheegtay in dowladda Sweden ay qeyb ka noqon doonto wadamada u soo gurmaday ummadda Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray.

Booqashada wafdiga ka socda Sweden ayaa ku soo beegmeeysa xilli kumannaan qoys oo Soomaali ah ay la il-daran yihiin macluul, gaajo iyo caafimaad darro.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: