Advertisements

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday rag lagu soo qab-qabtay hub sharci darra ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday dad lagu soo qabtay hub sharci daro ah, kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada dowladda kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dadka xukunka ay ku riday Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa Todobbo ruux, waxaana dhamaantood Maxkamaddu ay ku xukuntay sideed iyo Toban bilood oo xarig ah.

Gaashaanle Sarre Xasan Xuseen Muungaab oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa markii xukunkaasi uu dhacay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raganni ay ahaayeen kuwo isugu jira dad si sharci darro ah hub u heystay iyo kuwo ka ganacsanayey islamarkaana la marsiiyey waxa sharcigu ka qabo.

Sidoo kale 7dan qof oo  ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya xukunka ku riday ayaa maanta waxaa lagu soo qabtay howlgallo ay magaalada Muqdisho ka sameeyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro soo celinta Ammaanka Dalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: