Hay’adda Qaxootiga Caalamiga ah (UNHCR) oo Caalamka ugu baaqday in gargaarka Soomaaliya la kordhiyo.

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adda Qaxootiga Caalamiga ah (UNHCR) ayaa  ugu baaqday Caalamka in la kordhiyo gar gaarka loo fidinayo Qaxootiga Soomaaliyeed.

Qoraal Warsaxaafadeed ah oo ay shalay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in dadaalada gar gaarka ah ee loo fidinayo dadka dhibaateysan ee Soomaaliya xoogooda laga geeyo gudaha dalka Soomaaaliya.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNHCR Antonio Guterres iyo wasiirka Horumarinta Dalka Sweden Gunilla Carlsson oo boqday Dollow ayaa waxa ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed eec ku barakacay gudaha dalka ay u baahan yihiin in loo fidiyo gar gaar deg deg ah  si loo badbaadiyo nolosha tobanaan kun oo u baahan gar-gaarkaasi.

Sida ay sheegtay  hay’adda UNHCR, in ku dhawaan 850,000- oo Qaxooti  Soomaali ah ay ku caawiso Xeryaha Qaxootiyada ee ku yaalla dalalka Dariska ah ugu yaraana 1,500 oo kalana ay ka maalin kasta ka barakacaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Hay’addan ayaa  waxay tilmaamtay in gar gaar aan toos ahayn ay u fidiso dadka ku nool gobolada iyo degmooyin ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab kaasi oo ay u sii mariyaan Hay’addaha aan dowliga aheyn ee (NGO) oo dadka ka shaqeeya ay Soomaali ka mid yihiin.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda  UNHCR  waxay  sheegtay inay kordhinayso howlaha gar-gaarka oo ay u fidinayso shacabka dhibaateeysan,  waxana ay xustay inay gaarsiin doonto dadka ay caawiso ugu yaraan 400,000-oo qof  bartamaha bishaan September.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: