Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maanta howgallo ka wada qaybo kamid ah Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

War naga soo gaaray Saakay magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka tirsan magaalada Caasimada ee Muqdisho ka socdo howgal ay wadaan ciidamo gaar ah oo ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay sugida ammaanka caasimada ee Muqdisho howllaha gargaarka ee magaalada ka socda.

Ciidamadan gaarka ah ayaa  loogu tala galay in si gaar ah ay sugaan amniga magaalada Muqdisho iyo xerooyinka ay ku  jiraan dadka barakacayaasha ee gargaarka la gaarsiinayo ayaa saakay aroortii howlgal ballaaran ka bilaabay qaybo badan oo ka mid magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ay dowladda u diyaarisay sugida ammaanka guud ee caasimada ayaa sheegay in howlgal uu ku socdo sidii loogu tala galay islamarkaana ay sii wadayaan inta ay ka xaqiijinayaan amniga magaalada si aysan dhibaato uga dhicin Muqdisho.

Hase yeeshee arrintaasi ayaa imaaneysa xilli dhawaan ammar ka soo baxay wasaaradda arrimaha Guddaha lagu sheegay in magaalada Muqdisho laga mamnuucay in Hub lagu wato ama lagu dhexmaro, sidoo kale waxaa jira in magaalada Muqdisho uu  madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya ku soo rogay xaalada deg deg ah gaar ahaan dhammaan goobihii laga xureeyay kooxda Shabaab iyo googaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: