Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda oo soo gaaray Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

 

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegayaa in maanta si rasmi ah tababar loogu soo gabagabeeyay dalka uganada magaladda Kampala ciidaamo ay leedahay dowladda soomaliya oo gaaraya ilaa 1000 Askari kuwasi oo uu mudooyinkaan halkasi tababar ciidan uga socday.

Xiritaanka Tababarkan waxaa Dowladda KMG Soomaaliya uga qayb galay Wasiirka Gashaan dhigga Md Xuseen Carab Ciise oo haatan ku sugan dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa in uu ciidamadaasi ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u soo gabagabeeyo.

Sidoo kale Wararka laga helaayo magaalada Kampala ayaa sheegaya in saacadaha soo soxcdda ay wasiirka iyo xubnaha la socda oo ay wehliyaan sarakiil ka tirsan dawladda uganda ay gari doonaan xero ku taala duleedka magaalada Kampala oo ku jiraan ciidamada dowladda ee tababarka loo soo gabagabeynaayo.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in sidoo kale uu goobta joogo taliye ku xigeenka ciidamada Nabad ilalinta ee AMISOM ii iyagu ka hawlgalla magaladda Muqdisho

Balse sida la sheegay waxaa Ciidamadan loo diyaaray in ay dhameys-tiraan dabar goynta Xarakada Al- Shabaab si ay dalka uga xureeyaan sidaas waxaa sheegay  wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee dowladda KMG Soomaaliya ayaa muddooyinkaanba waday Qorshe mar kale dib loogu dhisayo dhismahii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyadoo si gaar ah xil isaga saarat dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan guud ahaan dalka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: