Jaaliyada Soomaalida ee Bariga Switzerland oo lacag gargaar ah u diray dadka ay Abaaraha ku dhufteen.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaar ka mid ah jaaliyada soomaalida ee Kanton-ka Bariga Schweiz (Ost-Schweiz) Dalka Switzerland ayaa waxay si aad ah isaga xil saareen sidii ay walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya uga gargaari lahaayeen, sidaas darteed Jaaliyaddan ayaa waxay ugu horreyntii Sameysteen Guddi gaargaarka Musiibooyinka oo uu Guddooiye ka ah Ahmed Hirsi Ugaas  Mara-cadde.

Guddoomiyaha Guddigan oo la soo xiriiray Shabakada SoomaliSwiss ayaa sheegay in dadka ku dhaqan  Kanton-ka Bariga Schweiz, gaar ahaan Degmooyinka San Gallen, Wil  iyo deegaanka ku xeeran oo ay iska soo uruuriyeen Walaalaha Muslamiinta oo isugu jira Soomaalida iyo dad kala jinsiyada ah, waxayna lacagtaas ay gaaraysaa 13406$ oo Dollarka Mareykanka ka ah.

Sida uu sheegay Ahmed Heri waxaa Lacagtan la kala gaarsiyey goobo ay si daran ugu dhufatay Musiibada Abaaraha, waxaana gargaarkaas loo egmaday inay gaarsiyaan goobaha iyo deegaanada loo kala dirayey Shakhsiyaad la aaminsan yahay iyo qaar ka mid ah Warbaanti Soomaalida.

Haddaba gargaarkan waxaa loo kala dhiibay sidatan:

–       Labada talefeeshin oo Magaalada Muqdisho ka howlgela, sida universal tv oo dadka barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka Muqdisho oo qaybiiyey lacag dhan 2550$ oo dollarka Mareykanka ah, sidoo kale talefeeshinka Somali Channel oo qaybiiyey lacag dhan 2550$ oo dollarka Mareykanka ah.

–       Gobollada Bay iyo Bakool oo la garsiiyay lacag dhan 4000$ oo dollarka Mareykanka ah oo gaarsiyena sh.mustafa sh.macalin isaaq oo ka mid ah Culumada deegaankaas.

–        Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose la garsiiyay lacag dhan 1476$ oo dollarka Mareykanka ah, oo gaarsiyey Sh. Salaad Aaddan ka mid ah Culumada magaalada Kismaayo.

–       xerada ceel mac oo la gaarsiyey 2000$ oo dollarka Mareykanka ah oo loo  igmaday Aamina Ahmed 

–       iyo Sh. Mahamed Abdi umul oo loo igmaday inuu gaarsiyo dadka ku xeryaha ku yaala dalka Kenya waxayna lacagtaas ay gaaraysaa 930$ oo dollarka Mareykanka ah.

Mudane Ahmed Hersi  ayaa uga mahadceliyey dadkii lacagahaas kaalmada ah bixiyay oo ka mid ah walaalaha muslimiinta ee dalka Switzerland, gaar ahaan kuwa ku nool Kanton-ka Bariga Switzerland , sidoo kale cidii dooneysa faahfaahin intaa ka baddan la soo xiriir Guddoomiyaha gargaarka iyo arimaha dhaqanka ee bariga Switzerland Ahmed Hirsi Ugaas  Mara-cadde oo telephonkiisa yahay 0765299923 mahadsanidiin

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: