Sii-hayaha xilka Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ee Spain.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ku-simaha Xilka Ra’isal Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain Mrs. Soraya Rodrigas  waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Sidoo kale C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan sida abaaraha, horumarinta hay’addaha dowladda iyo weliba sidii caawiyeyaasha caalamku ay si toos ah dhaqaalaha u siin lahaayeen dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain oo kulankaas ka hadashay waxay tiri: “Dowladda Spain waxay haatan mashruuc ay ku dhiseyso Isbitaal ka wadaa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana rabnaa inaan mashaariic kuwaasi la mid ah ka fulino magaalada Muqdisho si ay u soo noqdaan adeegyadii bulshada” waxayna intaas  raacisay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain oo shir albaabadu u xiran yihiin la qaadaneysay Sii-haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha iyadoo dhanka kalena tilmaantay in muhiimada koowaad ay tahay in la dhiirigeliyo hay’addaha dowladda si loo helo amni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo Soomaaliya.

Dhanka kale Sii-haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo gabagabadii kulankooda kadib la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya danaha Soomaaliya gaar ahaana abaaraha iyo horumarinta hay’addaha dowladda, isagoo xusay in dowladda Spain ay balan qaaday sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhis lagu sameeyo dalka, gaar ahaana adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada.

“Wasiiradu waxay balan qaaday in dowladdeedu ay qeyb ka qaadan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada gaar ahaana goobihii Isbitaalada iyo waxbarashada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in dowladda Spain ay qeyb ka tahay dowladdaha saaxiibka dhow la ah dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain ayaa u xaqiijisay Sii-haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradii kale ee fadhiyay shirka in dowladeedu ay u ololeyn doonto sidii hay’addaha gargaarka ee caalamigu ay dib ugu soo degi lahaayeen gudaha dalka si gargaarka aadamigu u noqdo mid waafi ah oo haqabtira baahida shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: