Madaxweyne Shariif oo sheegay in Midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay mid waajib ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed in tahay mid muqadas ah.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shalay booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa hadlay midnimada ummadda Soomaaliyeed sida ay tahay xilligani isagoo sheegay in waajib ay tahay islamarkaana dad Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin isku duubnaan.

Sheikh Shariif ayaa tibaaxay in dadka Soomaaliyeed xiillgani ay haystaan fursad aad u wanaagsan isalamarkaana u baahan in la adkeeyo nabadda iyo kala danbeynta Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in wadanka uu muddoo dhibaato xooggan ku jiray sidaasi darteedna  ay lagama maarmaan ay tahay wada shaqeyn.

Dhanka lake Madaxweynuhu wuxuu farta ku fiiqay in dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay Axdi federaal kaasi oo ay u dhan yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Bale madaxweynaha  wuxuu sheegay in xilligan wixii ka danbeeyay dalka dib u dhiskiisa loo wada istaagi doono, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso dhammaan maamulka gobolleedyada Soomaaliya isagoo si gaar ah uga hadlay kaalinta maamulka Puntland kaga aadan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: