Halkaan ka akhri
Cutubyo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo gobolka Gedo oo ka soo galay dhinaca dalka Kenya xuduuda uu kala wadaago dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay shalay gelinkii dambeĀ la wareegeen degmada Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Wararka ka imaanaya Gobolka Geddo
Ā Sidoo kale wararka ka imaanaya Gobolka Geddo Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah halkaasi isaga cararay, iyadoo Sarkaal u hadlay Dowladda KMG ah uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay yihiin kuwo si aad ah u tababaran.
Sidaas darteed Tuulooyinkii u dhaxeeya degmada Geriley iyo Baardheere maleeshiyaadkii ku sugnaa Geriley oo u cararay degmada Baardheere oo iminkala sheegay inay isku urursanaya halkaasi isla markaana xiriiro la sameynaya saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool.
Dhanka kale Musāuul uĀ hadlay ciidamada Dowladda KMG ah ee la wareegay degmada GerileyĀ ayaa Ā lagu magacaabaa Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorrax (Koofi), wuxuunaĀ u sheegay Saxaafadda in halkaasi aanay ka dhicin wax dagaal ah oo ay la galeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa degmada Geriley.
Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorrax (Koofi) oo u hadlay Ciidamada Dowladda ayaaĀ sheegay inay iminka qorsheynayaan sidii ay ku gaari lahaayeen degmada Baardheere, halkaasi oo sida uu sheegay In ay Ciidamada Al-Shabaab ku sugan yihiin.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Galbahaarey
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda oo sheegay in dagaalladii Muqdisho ka dhacay ay ciidamadooda ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac. (somaliswisstv.com)
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- C/xakiin Xaaji M. Fiqi oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo soo dhoweeyey Wasiiradii Cusub. (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- Mahiiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya (somaliswisstv.com)
- WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Gedo |