Mahiga iyo Madaxweyne Shariif oo booqasho Maanta ay ku tageen Puntland ka dib ka farxiyay maamulka C/raxmaan Faroole.

 SAWIRO IYO WARBIXIN XIISA LEH

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaminayay oo maanta booqasho saacado qaadatay ku tegay magaalada Garowe ee xarunta u ah Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu gaaray Garowe waxaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole , Ra’iisal Wasaaraha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna kaddib booqday xarumaha dadka soo barakacay oo ku yaalla Garowe iyo weliba xarumaha wasaaradaha Puntland.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa kaddib waxay kulamo wada qaateen Madaxweyne Faroole iyo Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Philip Mahiga, kaasi oo isna saaka gaaray Garowe
Kulankan mas’uuliyiintan ayaa wuxuu ku saabsanaa xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland iyo arrimo kale oo ku saabsan shirka wadatashiga ah ee la qorsheynayo in loo qabto gudaha Soomaaliya, iyadoo ay horay u jireen warar labada dhinaca ka soo kala baxay oo kala taageerayay in shirkaas Muqdisho lagu qabto in Garowe lagu qabto.

 

Labada madaxweyne oo kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii yar yaraa ee ka dhex jiray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda dhexe ay meesha ka baxeen, haatan wixii ka dambeeyana ay wada shaqeyn doonaan.

Madaxweyne Faroole oo hadalka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in deegaannada Puntland ay yihiin meel laga jecel yahay qof kasta oo Soomaali ah, uuna taasi ka garan karo sidii loo soo dhaweeyay ee heerka sarreysay.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu intaas ku daray in heshiis ay wada gaareen labada dhinac ay sii lafo-guri doonaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas iyo xukuumadda Puntland, ayna ugu dambeynta ka soo saari doonaan qoraal.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo madaxda iyo shacabka Puntland sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin wax naceyb ah oo si gaar ah loogu qabo dowlad goboleedka Puntland, hayeeshee dadka marka uu kala maqan yahay uua kala sawiranayo muuqaallo aan sax ahayn, sidaas darteedna wuxuu sheegay in haatan kaddib uu labada dhinaca dhexmari doono iskaashi iyo wada shaqeyn.
Intaas kaddib wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in shirkii wada tashiga ahaa ee markii hore la isku maan-dhaafay halka lagu qabanayo ay ku heshiiyeen in lagu qabto wejiga hore Magaalada Muqdisho, wejiga xigana Magaalada Garowe.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ka soo duulayay garoonka diyaaradaha Garowe waxaa soo sagootiyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u faro badan oo markii horena soo dhaweeyay.

SomaliSwiss Garowe
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: