Magaalada Muqdisho Maalmahan waa magaala madax. (warbixin ka hadleysa isbadalka Muqdisho)

WARBIXIN XIISA LEH

undefinedHalkaan ka akhri

Video:= Mogadishu finds hope for peace

Magaalada Muqdisho oo soo martay maalmo murugo iyo murano colaadeed xanbaarsan, oo aad u xanuun badan, wararka hawada laga mariyaana ay ahaayeen, Rasaas diririg leh, dagaal dhacay, madfac dig yiri, guri dumay, dhaawac daba yaal, daaduun qaxaya, dad la laayay, qof  la dal-dalay, miino daadsan, diryaan qarax, habeysan, siyaasado is diidan, afkaaro diimeed, dakad xiran, sun la duugay, dowlado taag daran, caalam aan daneyneyn, ciidamo dalxiisa, doodo halis ah, dareen cabsi leh, dad kala shakisan, dariiqyo kala xiran, maanta dayacan, dacaayado raqiisa, iyo qodobo kale oo maqalka u daran, haatanse gudbe maalmahaasi oo  xaalku  sidii hore maaha.

Inkastoo ay  dhamaan raadadkaasi weli  ka muuqdaan Muqdisho,, hadana marka la eego isbadalka dag-daga ah ee ku dhacay wixii looga bartay, waxaa la oran karaa waxaa ka soo muuqanaya  isbadal iyo saan saan Caasimadeed, waloow weli xaalku yahay faanoonle fari kama qodna. 

Dad badan oo Soomaali iyo Ajnabi leh ayay filan waa ku noqotay markii ay soo baxday in Al-shabaab oo dagaal lagu hoobtay sanado kala soo horjeeday Dowlada, si sahal ahna aan la fileyn in lagu saari doono, in laga riixay ama ay iyaguba isaga baxeen furumihii dagaalka sabab kasta ha ku timaadee, balse waxaa hubanti ah in arinkani wax weyn ka badalay sawirkii laga heystay Muqdisho, iyo cabsidii laga qabay amaankaba.

Waayoo, markii ay Dowladda KMG ahi shaacisay in ay iska fogeeyeen ciidamdii Al-shabaab ee kulaalayay Madaxtooyada iyo marinada dowlada, waxaa durbaba Caasimadda soo beegsaday oo ka soo dagay masuuliyiin dhowr ah oo madaw iyo cadaanba leh kuna asteysan heer kasta oo darajo dowladi leedahay, sida Madaxweyne, Reysal-wasaare, Wasiiro, Xubno Qaramada midoobay ah, kuwa urur goboleed, wakiilo hey’adeed, Safiiro iyo wufuud kale oo caalami ah.

Waxaa markii ugu horeysay xiliyadaan danbe, garoonka diyaaradaha lagu garaacay muusig ka turjumaya astaamaha Calamada wafuud dowladeed oo na soo booqday, waxaa loo goglay roog gaduudan oo gaaarsiiya kuud alwaax ah oo meel dhexe la dhigay  si ay madaxdu ugu sugaan dhageysiga astaanka qarankooda, waloow dhamaantood ay ahaayeen socdaaladoodu kuwa isku ujeedda ah, sida in ay u soo gurmadeen abaarta iyo macluusha ka dhacday Soomaaliya, hadana dhanka kale waxa ay muqdisho u aheyd dareen soo xasuusin kara sidii ay ahaan jirtay  bari samaadkii, waxaa naga maqnaa oo qura caruurtii ubaxa, ardaydii, shaqaalihii, hooyooyinkii dagmooyonka ee hareeraha wadooyinka la safi jiray ee kala midabka ahaa iyo mootooyinkii iyo taraafikadii loo carbiyay in ay wafuudda dalka timaada hor socdaan, iyaguna nagama foga hadii la muujiyo  laguna wada howl galo dareen wadaninimo iyo isku duubni wada jir ah.

Sidoo kale, markii ay madax sar-sare si nabad ah  ku yimaadeen kagana laabteen waxaa Muqdisho, loo waayay mar-marsiyihii loogu meereysan jiray magaalada Neyrobi, waxaana markii ugu horeysay lagu qabtay shir caalamiya oo looga hadlayay amaanka Soomaaliya, kaasoo 20-kii sano ee ugu danbeysan hadba lagu maamuusay Caasimad kale, malafyada ka soo baxana lagu maamulayay magaalo madoow oo ay kala maamulaan maamulo kala maan ah oo aan marna lagu sugeyn in ku hishiiyaan wax ay ku mideysan yihiin.

Waxaa sidoo kale, dib   boorka looga jafay gaadiid mudda dheer darbaalnaa oo dhaqaaq iyo beecba laga quustay, kuwaasoo maalmahaan lagu arko wadooyinka iyagoo u socda raxan raxan iyo kali kali, laguna xardhay calaamado hey’adeed islamrkaana ay ka soo muuqdaan daaqadahooda rag iyo dumar cadaana oo wakiilo ka ah hey’adahaasi, waxaa sidoo kale xarakaad ka muuqdaa Hotelo awal cidla ahaa oo u soo samray macaamiishii soo martay deyn iyo deeqba, sidoo kale waxaa dayactir lagu sameeyay nalal waaweyna la shiday dabaqyo horay u dansanaa oo ninkii lahaa quus ka joogay kuna fikirayay siduu isaga xaraashi lahaa.

Waxaa sidoo kale is badal ku yimi  qalabka warbaahinta oo maalmahaan u batay  hadal heynta, wafuud dalka soo gaaray,kuwa ka duulaya, diyaarado soo dagay, shirar is daba joog ah, gar gaar is daba socda, deeqo lakala gudoomayo, nadaafad iyo dib u furid wadooyin iyo qodobo kale oo muujinaya horumar, sidoo kale dad badan oo ku caajisay ku noq-noqoshada 1-KMitir, oo ay naftooda ku aaminineen marxaladda jirtay awgeed ayaa maalmahaan ku luga baxsaday xaafado ay muddo dheer ugu danbeysay, inkastoo ay mararka qaar la yaab ku noqoto sida ay meelaha qaar noqdeen iyo sidii ay aheyd markii ugu arag danbeysay.

Dhanka kale,  madaxda Qaranka oo mudooyinkii hore fadhiid ku ahaa aqalka Madaxtooyada, ayaa  maalmahaan bilaabay dhaq-dhaqaaq iyo booqashooyin iyo weliba  in ay ka hadlaan fagaarayaal ay ku soo banana-baxeen shacabka Muqdisho, taasina waa ifafaale kale oo muujinya isbadalka curdunka ah ee ka bilowday caasimadda.

Inkastoo ay kala nasiib iyo hooda wacan yihiin wadooyinka Muqdisho, hadana wadada Maka-al-mukarama waxaa ruuxii magaalada ku cusubi dareemayaa rajo, marka uu arko nalalka wadada ku xiran, dayactirka ka soconaya  iyo isu socodka habeeenimo ee gadiidka,waxaa suurta gal ah in ay wax weyn iska badalaan argtidii hore ee uu ka qabay Muqdisho, balse waxaa hubanti ah hadii uu mar qura jaleeci  lahaa wadooyinkii saaxiibada la ahaa wadadaan sida wadada wadnaha,Baar ubax, warshadaha,iyo kuwa kaleba, in mar kaliya maankiisu ku soo noqon lahaa fikirkii hore ee uu aaminsanaa,howsha wadadaan ka muuqatana uu ku  qiyaasi  lahaa dhoolatus siyaasadeed.

Balse, Muqdisho maanta waxa ay tabeysaa Nabad ka tisqaada oo dhibada loo adkeeyo, dib u dhis baahsan oo lagu cirib tiro raadadkii ay dagaaladu ku reebeen,dad iyo duunyo wixii ka qaxay oo dib ugu soo laabta, in  loo furo suuqyadeedii ganacsiga, in loo helo maamul hanan kara oo sugi kara amaanka shacabka iyo in ay bulshadu ugu wada noolaato sidii ay ugu noolaan jirtay xiligii tagay, hadiise la waayoo maamul iyo siyaasad ka faa’ideysta iftiinkan waxaa hubanti ah in aanuu qofna dhowreyn xiligan dheereynaya, oo ay ka faa’deysan doonaan qolyo cusub oo aan hada qalbiga lagu heyn, mar uu waqtigu dhamaadayna laga daba qeylin doono, iyadoo markaana qofka ugu liitaahi uu oran doono, Alloow maxaan ka digay ineey waxaani dhici doonaan !!!!

Sidoo kale, Muqdisho waxa ay  mahdin doontaa hadii  ay Dowladu si miyir qab leh uga faa’ideysto, baraaruga beesha caalamka iyo taag  darida ku timid kooxihii ka soo horjeeday, si dib loogu soo celiyo sharaftii iyo Dowladnimadii naga luntay, dabadeedna  loo  wada howl galo sidii looga gudbi lahaa KMG-ka na dilooday ee nalaku soo maamulayay mudada dheer, nalakuna moora duugay, looguna gudbi lahaa Dowladnimo buuxda oo hanata maamulka Dalka, si ay dadkayagu u diidaan qaxootinimada daashatay uguna noolaadaan dalkooda sida ay dadyowga caalamku u nool yihiin, Muqdishana u noqoto mid ka mid ah caasimadaha Aduunka.

C/qaadir Maxamed Faarax  {Dulyar}

Dulyar21@hotmail.com

%d bloggers like this: