Advertisements

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Federaalku uu soo wanaagsanaanayo.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya  oo shaaca ka qaaday in xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Federaalku uu soo wanaagsanaanayo.

R/wasaaraha  Dowladda FKMG Soomaaliya C/Wali Max‘ed oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay  wada yeelan doonaan wada shaqeyn wanaagasan.

Sidoo kale R/wasaare Dr. Cabdi Wali Maxamed Xali oo booqasho Rasmi ah ku jooga magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Putnland ayaa shaaca ka qaaday in uu soo wanaagsanaanayo xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeeya dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Puntlan, isagoo farata ku fiiqay in ay diyaar u yihiin maamulkaasi in uu ka qayb qaato dib u dhiska dalka oo uu in muddo ah qalalaaso ku jiray.

R/wasaaruhu wuxuu kaloo ka hadlay R/wasaaraha in dhanka dowladda Soomaaliyeed ay adkeeneyso wada shaqeynta  iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya, waxa uu intaa ku daray ijn ay sii socon doonaan howllaha lagu adkeenayo amniga iyo kala danbeeynta dalka oo idil.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo isna ka hadlay shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen R/wasaare Cabdi Wali, wuxuuna sheegay in ay guul u tahay booqashada uu magaalada Garoowe ku yimid R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ay soo dhaweenayaan xiriirka iyo wada shaqeynta xukuumadda uu hoggaaminayo R/wsaare Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaaz.

Madaxweyne Faroole ayaa tibaaxay ay diyaar u yihiin in ay qayb wayn ka qaataan gurmadka loo sameenayo dadka ku dhaibaateysan magaalada Muqdisho ee ka soo cararaya abaataha ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweyanaha maamulka Soomaaliyeed ee Puntland oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:  “arrimaha amaanka dalka waa arrin muhiim ah oo u baahan im cid walba ay xil iska saarto sidaa darted anaga maamul ahaan waxaa diyaar u nahay in aan dhinac walbo kaalin ballaaran ka geesano” ayuu

Si kasta ha ahaatee socdaalka R/wasaare C/wali uu ku joogo magaalada Garoowe ayaa waxa ay gogol xaar u tahay booqasho lagu wada in dhawaan uu halkaasi ku tago Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed si loo dhameystiro howllaha dowladda Soomaaliya ee mudda halka sano ah.

SomaliSwiss   Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: