Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Turkiga oo booqasho ku imaan doona dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku yimaado dhawaan dalka Soomaaliya si uu indho indheyn ugu sameeyo heerka abaaraha ee dalka ka jira.

Sidoo kale Mudane Kemal Kilicdaroglu oo Gudoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee dadka Turkiga ee CHP iyo ku xigeenadiisa ayaa la sheegay in 30,ka bishaan ay booqasho ku imaanayaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadibna waxay u soo gudbayaan dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Warbaahinta Turkiga ayaa ku waramaysa in wafdigaan uu hogaaminayo gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka Turkiga ay Soomaaliya keeni doonaan deeq gar gaar ah oo loogu talo galay in wax looga qabto dadka abaaruhu sida weyn u saameeyeen ee kujira xeryaha barakacayaasha.

Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in waftigaan Turkisha ah ay Sidoo kale booqan doonaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya gaar ahaan xerada Dhadhaab waxaana ujeedka safarka xunahaan lagu sheegay inay doonayaan inay indhahooda ku arikaan dhibaatada Soomaaliya ka jirta.

Mudane  Kamaal ayaa noqanaya qofkii labaad e ugu sareeya Siyaasadda dalka Turkiga kadib markii uu dhawaan Muqdisho socdaal ku yimid R/wasaaraha Turkiga Racep Dayip Erdogan.

Si kasta ha ahaatee Turkiga ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada dunida Muslimka ee u soo gurmatay bulshada Soomaaliyeed ee abaaraha la il daran.

SomaliSwiss    Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: