Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya oo sheegay in dowladdiisa aysan fara galin ku haynin dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macallin ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Kenya aysan fara galin toos ah iyo mid dadbanba ku haynin dalka Soomaaliya, kaddib markii arrimahaasi marar badan lagu eedeeyay laga baahiyey Warbaahinta.

Mudane Faarax Macallin oo waraysi siiyay idacaadda VOAda ayaa tilmaamay in ay mar walba taageyraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku haysato meello badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Sidoo kale Mudane Faarax Macallin wuxuu caddeeyey in inbadan Soomaalidu shirar loogu  qabtay dalka Kenya kuwaasi oo garaaya 18 shir taasi oo muujineysa in aanu taageyrno dowladda Soomaaliya, “anaga waxaan soo dhaweenay dowladda walbo oo Soomaaliya ka curata si ay u gaarto hadafkeeda dowladdnimo taasi ayaana ah  mid Soomaalida ay dhibaatada raagtay uga bxi karaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeen Baarlamaanka Kenya Faarax Mcallin.

Dhanka kale waxa uu carabka ku dhuftay in illaa iyo hada ay diyaar u yihiin in ay sii laba jibaaraan taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in aysan cidna kala tashaneyn gacan siinta Soomaaliya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: