Xildhibaan Ibrahim Garabey oo ka tirsanaa golaha Baarlamanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

XILDHIBAAN IBRAAHIM GARABEY

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Ibarhim Garabey oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa la sheegay in mudooyinkii la soo dhaafay uu xanuunsanayay, wuxuuna xildhibaankaasi deganaa meel aan sidaas uga fogayn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay tacsi u direen qoyskii, qaraabadii uu xildhibaanku ka geeriyooday iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, waxayna Illaah uga baryeen inuu janadii Fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Ibarhim Garabey ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha magaalada Muqdisho, iyadoo la filaayo in aaska Xildhibaanka ay ka qeyb qaataan qaar kamid ah xubnaha Baarlamaaka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: