Madaxtooyada Soomaaliya oo War ka soo saartay shirkii Madaxda Afrika ay ku yeesheen Addis Ababa.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa shalay ka qayb galay shir loogu aruurinayo dhaqaale dalalka ay saameeyeen abaarahu ee geeska Afrika. Shirkaan oo lagu qabtay caasimada dalkaEthiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Midowga Afrika.

Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa ka hadlay madx sar-sare oo ay ka midyihiin Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Mbasogo oo haya xilka madaxtinimo ee Midowga Afrika, kuxigeenka madaxa Qaramada Midoobay Asha Rose Migiro, Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rowlings, Ra’iisul Waraaraha Ethiopia Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Soomaliaya Sharif Sh. Axmed.

Madaxweynaha KMG Soomaliaya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa hadal dheer ka jeediayay shirka isagoo horaantii uga hambalyeeyay Midowga Afrika sida firfircoon oo ay isu xilqaameen si ay u xaliyaan xaaladaha adage e ka jira qaaradooda.

Madaxweyne Sharif oo ka hahdlayey arrimaha Soomaaliya wuxuu yiri: “waxaa wanaag iyo guul inoo ah in maanta Afrika ay u istaagtay in ay wax ka qabato dhibaatada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya”.

Shirkaan ayaa looga yaboohay Soomaaliya lacag gaaraysa 350 milyan oo doolar, taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka la macaluulsan abaaraha ka jira Geeska Afrika siiba wadanka Soomaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya ayaa intuu joogay magaaladda Addis Ababa la kulmay Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Mbasogo iyo kuxigeenka madaxa Qaramada Midoobay Asha Rose, waxayna ka wada hadleen arrimo badan siiba gargaarga bini’aadnimo, taageerada dowlada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya ayaa in mudo ah  ka shaqaynayay sidii uu taageero ugu heli lahaa shacabka Soomaliyeed ee la macaluulsan abaaraha, sidoo kale Madaxweynaha ayaa olo-ole xoogan ka waday wadamo badan sida Turkiga, Midowga Afrika iyo kuwo kale oo badan.

SomaliSwiss     Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: