Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne Sheikh Shariif oo xalay dib ugu soo laabtay dalka.

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa Fiidnimadii xalay dib ugu soo laabtay  dalka.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan Ciidammada dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaaka qayb galay shirkii madaxda Ururka Midowga Afrika ee shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu kaga soo qaybgalay shir ay Madaxda Afrika ka yeesheen xaaladaha Abaareed ee ku dhuftay gobolka Geeska Afrika, waxaana shirkaasi Soomaaliya loogu  yaboohay dhaqaalle loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ay saameeyeen.

Si kasta ha ahaatee Yabooha dhinaca dhaqaalaha ee Caalamka uga imaanaya dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool dalalka Geeska Afrika ayaa ah mid mudooyinkanba isa soo tarayey ayadoo kulanka uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya kaga qeybgalayna magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ay Madaxda Afrika ku go’aamiyeen in dhaqaalle gaaraya 346Million oo doolar Mareykanka ah  lagu taageero dalalka ay Abaaruhu ku dhufteen.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: