Dhaq-dhaqaaqii Ganacsiga oo dib uga bilowday Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa dib ugu billaabmay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaqii ganacsi ka dib markii laga safeeyey Ciidamadii Al-shabaab ee halkaasi horay u joogay oo ganacsatada suuqaasi dhibaato adag ay kala kulmi jireen.

Dhame Afrax Cali Afrax oo ah taliye kuxigeenka ciidamada Booliiska ee gacanta ku haya Ammaanka suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho in dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee qaybo ka tirsan suuqaasi hada ay dib usoo laabanayaan si tartiib tartiib ah.

Sidoo kale Dhame Afrax ayaa tilmaamay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay horey ayaga iyo Saraakiisha ciidammada Booliiska ee u xilsaaran suuqa Bakaaraha uga wada hadleen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan Ammaanka suuqa taana ay ganacsatadu bilaabeen wadashaqeyntaasina ay hada tahay mida sawabta u ah in Suuqa Bakaaraha qaybo ka tirsan uu shaqeeyo.

Si kasta ha ahaatee Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa ganacsigiisii horey si xoogan u saameeyeey Tacadiyo ay inta badan ganacsatada suuqaasi ku hayeen Maleeshiyada xarakada Al-Shabaab, balse Suuqa ayaa hada ugu horeeyey meelaha ay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa midowga Afrika ay ka xoreeyeen Maleeshiyadaasi.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: