Advertisements

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka degay caasimadda Puntland ee Garoowe.

undefinedHalkaan ka akhri

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxwewynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole  iyo Dadweyne aad u fara badan kuwaas oo safnaa hareeraha wadada ka tagta Garoonka ilaa Xarunta Madaxtooyada.

Wafdiga Raiisul Wasaaraha waxaa uu durbadiiba Kulamo la yeeshey Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole waxaana kulankaas la iskula soo qaadey arimo fara badan oo ay ugu horeeyaan  sidii loo dhameeyn lahaa  Khilaafka u dhaxeeyey Maamulka Pundland iyo Dowladda Federaalka ka dib markii labada Dhinac isku khilaafeen halka lagu qabanayo shirka wada tashiga Soomaaliyeed

Raiisul Wasaaraha Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in uu doonyo in Cabdiraxmaan faroole uu ku taageero in shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto Magaaladda Garoowe halka ay hore u Go’aamiyeen Golaha wasiirada oo ahaa in shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto Magaalada Muqdisho

Tagista Raiisul Wasaaraha ee Magaladda Garoowe ayaa Hordhac u tahay in Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed  uu ku tago Magaaladda Garoowe si uu kulamo ula qaato Madaxda Maamulka Pundland  si ay isula meel dhigaan sida ugu haboon ee loo dhameeyn karo Khilaafka u dhaxeeya labada Dhinac iyo halka lagu qabanyo Shirka wada tashiga Soomaaliyeed.

Deegaano ka tirsan Maamulka Pundland waxaa maalmahan ka dhacayey falal isugu jira Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan, waxaana ugu dambeeyey Dilal loo geystey Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Maamulka Pundland iyo Qarax ka dhacay habeen Hore Xaruntiii Radio Daljir ee Gaalkacyo  oo ay ku dhaawacmeen Ilaalidii Xarunta Idaacadda.

SomaliSwiss Gaalkacyo.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: