Jaaliyadda Soomaalida Denmark oo booqasho bogaadin & mahad-celin ah ugu tagay Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya dalka Copenhagen.

undefinedHalkaan ka akhri

Shalay  oo ay taariikhdu aheyd 25-08-2011 ayaa waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark booqasho bogaadin iyo mahadcelin ah ugu tageen Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya dalka Denmark gaar ahaan magaalada copenhagen Mudane Berki Dibek.

Warku wuxuu intaa raaciyey in booqashadaas ay la xiriirtey tegistiii uu tegey Ra’iisulwasaaraha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan Soomaaliya si uu ugu soo duwo indhaha beesha caalamka dhibaatada ay keentey abaarta lagu riiqmay ee haatan ka taagan geyiga Soomaaliya.

Jaaliyaddu waxey kulankii ay la qaateen Safiirka ugu warameen sida ay ugu faraxsan yihiin waxqabadka dowlada turkiga ee ku wajahan Soomaaliya, waxeyna halkaas ugu gudbiyeen dhanbaal furan oo ku socda ra‘iisalwasaaraha dawladda Turkiga iyagoo  ka wakiil ahaa dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Denmark, .

Madaxa Jaalliyadu dhambaalkooda ku yiraahdeen: “Waxeynu uga mahad-celinaynaa talaabadii geesinimada lahayd ee uu mudane Erdogan kutagay isaga,qoyskiisa iyo wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayay Soomaaliya waxaanna ku sifeeyneynaa booqashada ra’iisul wasaaraha mid taariikhi ah oo aanay marna ummada Soomaaliyaeed  iloobi doonin, indhaha caalamkana usoo jeedisay Soomaaliya”.

Sidoo kale Kulankaas waxaa ka hadlay Safiirka Turkiga u fadhiya dalka  Denmark, wuxuu  dhankiisa  uga mahadceliyey booqashada ay jaaliyadu ugu timid safaaradiisa isagoo xusey in ay tahay arrin waajib ah oo la xiriirta bani’aadanimada iyo muslinnimada in wax la istaro oo la is-gargaaro.

SomaliSwiss      copenhagen

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: