Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wafdii uu hogaaminayay ayaa saakay ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday magaalada Addis Ababba ee dalka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa uga qeybgalaya  kulan saacadaha soo socda ka furmaya magaalada Addis Ababba ee Dalka Itoobiya,  kaasi oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaaraha ahaan abaaraha saameeyay gobolada dalka qaarkood.
Shirkan ka dhacaya dalka Ethiopia ayaa dowladda Soomaaliya waxaa loogu deeqi doonaa Malaayiin doolar si wax looga qabto abaaraha ba’an ee ka jira dalka ee halkeeyay dad iyo duunyo.
Dhanka kale Madaxweynaha iyo Wafdigiisa  ayaa Muqdisho soo gaaray habbeenimadii xalay, iyaga oo isla saakay  ka dhoofay garoonka magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.