Golaha Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo Shir ay yeesheen laga soo saaray Qodobo muhiim ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Shir ay yeesheen maanta Golaha Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayey arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xuquuqul Insaanka, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo, waxaana shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu horreyntii Golaha Wasiirada waxey taci u direen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Xassan Maxamed Jimcaale oo hooyadiis ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qaramada Midoobey ee Geneva Mudane Yusuf Mohamed Isma’il (Bari-Bari) oo ka warbixiyey warbixintii ay Dowladda Soomaaliya ka horjeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ee Geneva 3dii May 2011 ee ku aadaneyd xaaladda dhabta ah ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka.

Golaha Xuquuqul Insaanka ku ammaanay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay golaha QM dowladda Soomaaliya u soo gudbiyeen 155 tallooyin oo uu safiirku sheegay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya ay ka baaraan degaan ka dibna ay warbixin ku wajahan tallooyinkaas iyo waxa laga qaban karo loogu soo gudbiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ugu danbeyn 2da September.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in Golaha Xuquuqul Insaanka ay 5 jeer go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliya laga saacidayo sidii ay hay’adaheeda u fulin lahaayeen arrimaha Xuquuqul Insaanka. Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Safiir Bari-Bari iyo warbixintiisa.  

Waxaa kaloo warbixin laga dhageystey Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho waxaana halkaas laga soo jeedin talo ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dhageysteen warbixinta guddiga Golaha Wasiirada waxey isku raaceen:

  1.  in aan marnaba la aqbali karin Isbaaro, lana amray in dhammaan Isbaarooyinka magaalada laga wada qaado. Cidii Isbaaro dhigatana la horgeeyo maxkamadda ciidamada.
  2. In guddiga ay ka soo talo bixiyaan sidii si deg-deg ah loogu furi lahaa dhammaan jidadka magaalada iyo Suuqyada sida suuqa bakaaraha.
  3. In la xoojiyo ciidamada roondooyinka ah, oo aan la oggolaan cid hub ku dhex sidata magaalada gudaheeda.
  4. In dhammaan dhismayaasha iyo goobaha dowladda aan loo oggolaan in shacabku dego, si ay hay’adaha dowladdu dib uga howlgalaan goobahaas.

Guddiga heer wasiir ee arrimaha abaaraha ayaa iyagana laga dhageystay warbixino, ka dibna golaha wasiiradu waxey isku raaceen in kormeer joogta ah lagu sameeyo xerooyinka barakacayaasha oo laga warqabo xaaladdooda dhabta ah, iyo in amniga xerooyinka la adkeeyo oo aan marnaba la aqbali karin in hub lagu dhex sito xerooyinka dhexdooda oo dhammaan falalka danbi ee ka dhaca xerooyinka la baaro, cid allaale iyo cidii ka danbeysana la horgeeyo maxkamadda. 

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: